U bood dhigaalka

Bandow xalay ka dhaqan galay Kismaayo

Sheeko:Dalka
Kismaayo
Kismaayo

Bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ayaa xalay ka dhaqan galay magaaladaasi iyada oo howl gal ay sameeyeen ciidamada amniga ee maamulka ku-meel gaarka Jubba dad badan lagu soo qab qabtay.

Ciidamada amniga ee maamulka ayaa shaaciyay in bandow xalay uu ka dhaqan galay magaalada isla markaasna ay gacanta ku soo dhigeen rag lala xiriirinayo xarakada Al-Shabaab.

Kornel Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamda ammaanka ee maamulka ku-meel gaarka Jubba ayaa shaaciyay in ciidamadu ay wadaan howl-gal isla markaasna ay soo qabteen ilaa 20 dhalinyaro ah oo lala xiriirinayo in ay ka mid yihiin xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo qaarkood uu tilmaamay in ay ku soo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa.

Masuulkan ayaa xusay in bandowgan uusan ku koobneyn magaalada Kismaayo oo ciidamadu ay tagayaan guud ahaan deegaanada hoos yimaada magaalada Kismaayo kuwaasi oo iyaguna laga sameynayo howl galka lagu xaqiijinayo amniga magaalada Kismaayo.