U bood dhigaalka

Bandowga Muqdisho oo Ka Bilaabmaya 7:00 Fiidnimo Bisha Ramadan

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa maanta la wadaagay warbaahinta  isbadal lagu sameyn doono waqtiga bandowga uu ka dhaqan galayo Muqdisho ka dib dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan, taliyaha ayaa sheegay in bandowga ka bilaabanayo hal ka saac ama 7:00 habeenimo kuna egyahay 5:00 subaxnimo.

Dowladda Soomaaliya ayaa Bandow habeenkii ah ku soo rogtay Muqdisho todobaadkii tagay si looga hortago faafidda cudurka Covid-19, badawga ayaa ka dhaqan galay magaalada isaga oo bilaabanayaay 8-da fiidnimo.
Taliyaha ciiidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri

“Siwanaagsan ayuu u socday todobaadkii la soo dhaafay Bandowga mahaddaasna waxaa iska leh dhammaan shacabka  Soomaaliyeed iyo ciidamada ka qeyb qaadanayey Bandowgaas oo wax caqabad ah aan kala kulmin oo habeen iyo maalinba u soo jeeday, waxaan rabnaa inaan idin lawadaagno go’aano hor leh oo quseeya Bandowga maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha Ramadaan, waxaa la go’aamiyey laga bilaabo habeenka ugu horeeyo ee bisha Ramadaan waxaa la soo hor marinaayo hal saac waxaana uu bilaabanayaa 7:00 habeenimo ilaa laga gaarayo 5:00 Aroornimo ee waabariga” ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) .

Sidoo kale Taliye Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa digniin u diray goobaha cuntada iyo goobaha la iskugu imaado iyadoo lagu amray in aysan furnaan karin maalintii oo dhan isla markaana aan gudaheeda  la fadhiisan karin waxna lagu cuni karin shacabkana laga rabo in cuntada ay u qaataan guryahooda si looga foggaado Coronavirus.

“Waxaa mamnuuca in maqaayadaha la fariisanayo iyo maqaayaduhu furnaadaan maalin oo dhan, si aan u daryeelno dadka Soomaaliyeed ee afurka iyo suxuurta u baahan Bandowgana uu u hirgalo  maqaayadaha waxaa la furayaa oo cuntada gudaha lagu sii karinayaa 5:00 galabnimo ilaa 7:00 habeenimo dadku waa ka sii qaadan karaan raashinka si ay u helaan afur iyo suxuurtoodii maqaayadaha in la fariisto waa mamnuuc in gudaheeda wax lagu cuno ama la fariisto waa mamnuuc” taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Dhanka kale Taliyaha ayaa  wadayaasha gaadiidka  ku war geliyey in ay dhimaan dadka ay qaadayaan si looga fogaado faafitaanka xanuunka CoVID–19 isaga oo intaas ku daray waxaana  gaadiidleyda  laga rabo in rakaabka ay kala fogeeyaan oo ay qaadaan kala bar dadkii loogu talo galay in ay qaadaan si looga fogaado in rakaabku  isu soo dhowaado.

“Gaadiidka gaar ahaan Caasiga waxaa laga rabaa dadka intii ay qaadi jireen nuskeed waa in ay qaadaan haddii uu qaadi jiray 30 ruux waa in uu qaadaa 15 ruux booliska Taraafikada waxaa lagu amray in ay qabtaan gaadiidkii  wada intii lagu amray in ka badan maxaa yeelay anagu marabno inaan dadka gaadiid la’aan dhigno oo guryaha lagu xiro waxaan rabnaa dadkii inaan u danayno gaadiidkii iyo wixii ku shaqeysanayey shaqadii u furnaato oo laga fogaado in dadku ay isdul-fuulaan oo sidii ay gaadiidka u kori jireen aysan u korin oo culays u gu dhicin baabuurtaa kaliya maahan” ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hadalka taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo uu soo badanayo dadka uu haleelay cudurka Covid-19 haba ugu darnaato  magaalada Muqdisho.

Goobjoog News