U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ka Fulinaya Mashruuc Ay Ku Baxeyso $ 9 million

Sheeko:Dalka

Dowladd federaalka ah ee Soomaaliya iyo bangiga adduunka ayaa bilaabay mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaliya.

Mashruucan oo la magac-baxay “SURP” oo ah dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka waxaa ku kacaya ilaa  $ 9 million.

Hindisahan ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee dalku marayo imtixaan rasmiga oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ah.

“Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya.

Mashruucan waa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baidoa.  Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya.

Mashruucan waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million

Goobjoog News