U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya U ogolaaday $137.5  Milyan oo Wax Looga Qabanayo Covid-19, Daadadka iyo Abaarta

Agaasinka baanka adduunka ayaa ansixiay in lacag dhan 137.5 million loogu yabooho Somaaliya si wax looga qabto abaaraha, fataahadaha dalka ku dhuftay iyo safmarka Coronavirus.

Sanduuqa Hormarinta Caalamiga ah ee Bangiga oo soo marinaya Mashruuca ka jawaabida xasarada Soomaaliya ayaa bixinayaa dhaqaalahan

Bankiga Adduunka Lacagta uu ansixiyey ayaa qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Mashruuca Ka-Jawaabidda Xasaradaha Soomaaliya Somalia Crisis Response Project (SCRP), waxaana uu kaalmo deg deg ah siin doonaa meelaha ay dhibaatada ugu xooggan saameysay, waxaana ka faa’ideysanaya dadka barakacaayasha ah, kuwa ku dhaqan magaalooyinka ama miyiga.

Barnaamijkan waxaa wax looga qaban doonaa biyaha fatahaadda, bulaacadaha iyo in lagu sameeyo buundooyin iyo waddooyinka yaryar.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa soo dhoweeyay kana mahad celiyay deeqdaan Bangiga aduunka siinayo Soomaaliya.

“Waxa aan aad u soo dhaweynayaa talaabada Bangiga Aduunka ee uu Soomaaliya ugu ogolaaday lacag dhan $137.5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xaaladaha Dalka ka jira sida xanuunka Covid-19, Fatahaadaha iyo Abaaraha” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan la daalaa dhaceysa safmarka Coronavirus iyada oo ay u sii dheeryihiin fatahaado dalka ku dhuftay.

Goobjoog News