U bood dhigaalka

Bangiga Aduunka oo Soomaaliya Ugu Yaboohay 40 Milyan oo Doolar

Sheeko:Amniga

Maamulka sare ee Bangiga aduunya ayaa ansixiyay 40 Milyan oo doolar oo lagu taageerayo Beeralayda iyo Xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee uu sameeyay Ayaxa.

Lacagtan oo qeyb ka ah mashruuc balaaran oo Bangiga aduunku ku taageerayo wadamada Afrika iyo Bariga dhexe ee uu sameeyay Ayaxa ayaa la soo marinaya hey’adda horumarinta caalamiga,

Kacaanka Ayaxa Soomaaliya waxa uu saameeyay 2.6 milyan oo qof i oo ku nool 43 degmo oo ka mid ah gobolada Soomaaliya. Beeralayda Soomaaliya waa lafdhabarta dhaqaalaha ku tiirsan yahay 75%

‘’ Ayaxu waxaa uu baabi’iyay dalagyadii beeraha, waxaa abuuray xaalad bani aadamnimo, waxa uu sababay yaraashada cunida la heli karoo o dhaliyay oo hoos u dhac dhaqaale’’ sidaas waxaa yiri Agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya Felipo Jeremilo.

Agaasimaha Bangiga aduunka ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay taageerayaan Soomaaliya iyada oo loo marayo mashruuca baxnaana ee taageerida danyarta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle eyaa maamulka sare Bangiga aduunka mahad celiyay ansixinta 40 milyan ee doolar oo lagu taageerayo ka jawaabida saameynta Ayaxa ee nolosha dadka Soomaaliyeed eek u tiirsanaa dalagyada beeraha.

Goobjoog News