U bood dhigaalka

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo 600 Ardey Ka Saaraya Guryihii Bangaariyo oo ay Wax Ku Bartaan

Sheeko:Dalka
Bashiir Ciise Cali, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe
Bashiir Ciise Cali, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe

Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saarey amar dad barokacayaal ah looga saarayo dhismayaashihii shaqaalaha bangiyada Soomaaliya ee Bangaariyo, kuwaasi oo ku yaala xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir, Muqdisho.

Arrintani oo muddo soo jiitamaysay ayaa maanta saraakiil ka socota booliiska gobolka Banaadir ay tageen xaafadda Bangaariyo, dadkii degenaana ay ku wargaliyeen in ay halkaasi isaga guuraan maalinta barito ah oo ah maalin talaado ah.

Dadka meesha laga saarayo waxaa ka mid ah ardey dhigata iskuul hoose iyo dhexe oo halkaasi ku yaala oo tiradooda lagu sheegey illaa 600 ardey. Iskuulkan ayaa waxaa lagu magacaabaa Jaahul Islaam.

Sida uu sheegey maamulaha iskuulkaasi oo lagu magacaabo Xuseen Cigaal Cilmi , arrintani ayay ku wargaliyeen madaxtooyada, taasi oo usoo ogolaatay in muddo lix bilood ah oo kale ay sii degenaadaan halkaasi illaa inta uu ka dhamaanayo sanad dugsiyeedka.

Sidoo kale dadka barokacayaasha ah ee halkaasi degen ayaa saxaafadda u sheegey in aysan jirin meel ay oga guuraan oo ay dowladda siisey ama iyaguba awoodaan, waxaana dadkaasi ka mid ah dad waayeelo ah iyo kuwa tabar daran. Waxey codsadeen in dowladda tixgaliso codsigooda ah in waqti dheeraad ah la siiyo inta ay ka raadsanayaan meelo ay oga wareegaan meesha laga saarayo.

Horey ayay dowladda dad barokacayaal oga bixisey xarumo dowladeed , kuwaasi oo aanan qaarkood illaa hadda waxbo lagu qabanin, dadkii laga saareyna ay meelaha ku dayacanyihiin.

Inkasta oo uu dalka leeyahay Wakaalada Dib u dajinta Qaxootiga iyo Barokacayaasha, ayaysan hadane muuqanin wax hawl ah oo ay wakaaladaasi qabato ama qorshe cad oo ay ka leedahay dadka barokacayaasha ah ee degen xarumaha dowladda.

Waxayna arrintani imaaneeysaa xili dalka dib loogu soo celinayo dad badan oo qaxooti ah oo kasoo laabanaya dalka Kenya.

Dhageyso

Goobjoog News