U bood dhigaalka

Bangiga Dhexe Oo Beeniyay warar been Abuur Ah Oo Laga Faafiyay Bangiyada Dalka.

Sheeko:Amniga

Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha
bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cuna qabateyn
dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,
kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah haayadda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya
rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in
aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira
dalka.

Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:- Bankiga Dhexe
ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay
Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka
qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha
bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa:

1. In Bangiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka
shaqeeya oo dhan.
2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka.
3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar
ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku
saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida
Bankiga Dhexe ee Somalia.

Somalia ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay Horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, kaas oo ay
Hormuud ka yihiin Bangiyada iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo shaqo abuur iyo maalgalin
ganacsi u sameeyey qeybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsiga yaryar, kan dhexe iyo maalgalin heer shakhsi ah intaba.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Baxay Bangiga Dhexe

Goobjoog News