Bangiga Westpac ee Dalka Australia oo Dib u Dhigey Xirista Akoonada Xawaaladaha Soomaalida

westpacBangiga weyn ee Westpac ee dalka Australia kaasi oo ahaa kan kaliya ee xawaaladaha Soomaalida akoonada ku lahaayeen si dadka Soomaalida ee halkaasi ku nool ay qoysaskooda iyo qaraabadooda Soomaaliya jooga biilalka ugu soo diraan ayaa dib u dhigey go’aan uu horey u shaaciyey oo ahaa in uu akoonada xirayo.

Afayeen u hadlay bangiga Danny John ayaa sheegey in go’aankooda xiritaanka ay dib u dhigeen illaa maxkamadda heerka federaal ay go’aan ka gaarayso dacwad ku saabsan xiritaanka oo hortaala.

Kumanaan Soomaali ah oo ku nool Australia ayaa ka walwalsan in ay waayaan si ay biilka ugu diraan qoysaskooda haddii akoonada la xiro, waxaa dadkaasi ka mid ah nin oday ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jaamac Cusmaan kaasi oo bil kasta boqol doolar u dira haweeneey ay walaalo yihiin oo 80 jir ah.

Urur ay leeyihiin xawaadaha ayaa waxaa madax ka ah Xuseen Xaraco, wuxuu sheegey in ay dhawaan u safreen magaalada Canberra ee xarunta dalkaasi, waxayna gudbiyeen illaa 2500 oo saxiix ah oo cabasho ah, waxayna qeyb ka yihiin dacwada ka furan maxkamadda sare ee federaalka.

Waxa uu sheegey in ay la kulmeen xeer illaaliyaha guud si xal loo helo, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in xal la gaari doono.

Maxkamadda ayaa dhagaysiga dacwada u fariisan doonta maalinta isniinta ee soo socota oo ay taariikhda ku beegantahay 28 bishan Nofeembar.

Goobjoog News

 

Related Articles

39 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW