U bood dhigaalka

Baraawe oo caasimad u noqonaysa maamulka Koonfur Galbeed, waa magaalo ceynkee ah?

Sheeko:Dalka

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu wadaa in ay noqoto magaalo madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee dhismihiisa ka socdo magaalada Baydhabo, sida uu dhigayo qodob ka mid ah dastuurka halkaasi ay ku ansixiyeen ergada shirka ka qeybgalaysa.

Baraawe ayaa caasimadnimada ka qaaday Magaalooyinka Baydhabo iyo Marka oo aad loo filayay in midkood uun noqon doono xarunta maamulkani cusub ee curanaya.

Waxyaabaha micnaha samaynaya ee la xiriira caasimadnimada Baraawe ayaa ah in ay ahayd magaalooyinkii ugu muhiimsanaa ee Alshabaab gacanta ku hayeen, islamarkaasina gacanta Shabaabka laga saaray horaantii bishii lasoo dhaafey ee Oktoobar.

Inkasta oo aanan si rasmi ah loo ogeyn waxa lagu xushey Baraawe in ay caasimad noqoto oo astaamo ama shuruudo ah, hadane waa magaalo xeebeed qadiimi ah, waxa ay leedahay deked iyo kheyraadka badda, kaasi oo maamulka si weyn ugu baahi qabo.

Balse astaamahani waxaa la wadaagta magaalada Marka, hase yeeshee waxa ay labada magaalo ku kala duwanyihiin in Baraawe ay tahay magaalo aanan la’isku haysanin sida Marka oo kale.

Bilihii lasoo dhaafay magaalada Marka waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeya beelo halkaasi ku wada sugan oo iyagu isku hayay maamulka iyo kheyraadka magaalada.

Baraawe waa magaalo qadiimi ah oo jirtey wax ka badan 4 qarni, waxaana taariikhdeeda la yaqaanaa illaa xiligii boqortooyaddii Ajuuraanka, Gabooyaha iyo Goobroon oo ku beegan qarnigii 16 –aad iyo walina boqortooyaddii Zanzibar.

Qarnigii 16 aad waxaa magaalada qabsay ciidamo ka socday dalka Boortaqiiska oo gumeysi ahaa, kuwaasi oo markii dambe dagaalkii caanka ahaa ee Baraawe looga saaray magaalada, tanina waxa ay magaalada ka dhigeysaa meesha kaliya ee dalka ka tirsan ee uu yimid gumeysi reer Yurub oo aanan ka ahayn Ingiriis iyo Talyaani.

Waxyaabaha la xusuusanyahay ee taariikhda galay waxaa ka mid ah in xukunkii gumeysiga ee Talyaaniga uu la wareegey magaalada sanadkii 1889-kii kadib heshiis dhexmaray Talyaaniga iyo Suldaankii jasiiradda Zanzibar oo ka talinayay dhul badan oo xeebaha Soomaaliya ku yaala.

Xiligii ay soo dhaweyd xornimadii Soomaaliya sanadkii 1947 dii, waxaa la xusuustaa in uu magaalada ka dhashay xisbigii dastuurka mustaqbalka Soomaaliya kaasi oo ay dhisteen dadkii deegaanka.

Gudaha magaalada Baraawe dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa illaa 30 kun, degmo ahaan marka lagu daro tuulooyinka iyo dhulka hoos yimaadana waxa ay wadarta guud noqoneysaa illaa 60 kun oo qof.

Waa magaalooyinka tirade yar ee dalka ee aanan kaliya looga hadlin Af-Soomaaliga ee sidoo kale ay jiraan afaf kale oo dadka maxaliga ah ay ku hadlaan tusaale ahaan afka Barawaaniga oo u dhow afka sawaaxiliga, waxaana afkani loo yaqaanaa Jimwiini.

Xarakada Alshabaab ayaa magaalada gacan ku heynteeda la wareegtey sanadkii 2009-kii, waxayna ka talineysay 4tii sano ee xigtey markaasi ka hor intii aanan gacantooda laga saarin bishii hore.

Sidaasi darteed magaalada kama soo kabsanin dagaaladii ka dhacay iyo mudadii dheereed ee Shabaabka heysteen, kama jiraan adeegyada asaasiga ah ee dowliga ah  sida caafimaadka, waxbarashada iyo waliba biyogalinta.

Waxa ugu horeeya ee maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ka fikirayo in Baraawe uu ka helo ayaa waxa uu yahay dhismayaashii uu maamulka ku shaqayn lahaa, kuwaasi oo intooda badan burbursan, ama horeyba aanan u jirin.

Dhismayaasha loo baahnaan doono waxaa ka mid ah madaxtooyo, aqalka baarlamaanka iyo waliba xarumihii ay ku shaqayn lahaayeen wasaaradaha kala duwan ee la magacaabi doono

Dabcan intaasi oo kaliya kuma eka dhibaatooyinka uu wajahayo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, ee sidoo kale waxaa jirta xaqiiqda ah in dagaalyahanadii Alshabaab ee laga saaray magaalada ay ku suganyihiin meelaha miyiga ah oo aanan aad oga fogeyn, iyaga oo caqabad ku ah dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo isu socodka magaalooyinka Baraawe hoostagi doona.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxa uu ka mid ah maamulada ka dhismaya dalka iyada oo la hirgalinayo nidaamka federaalka ee uu dalka qaatay.

Goobjoog FM mudooyinkaa soo socda xoogga saari doontaaaa soo gudbinta warbixino la xiriira magaalo madaxyada yaryar ee samaysmaya, inagoo soo jeedin doona su’aalo ay ka midyihiin “Caasimadaha yaryar ma noqon doonaan kuwa culeeska ka qafiifiya magaalada madaxda dalka ee Muqdisho mise waxay noqon doonaan kuwa caqabado la yimaada?”, iyo su’aal kale oo ah “waa maxay astaamaha lagu xulanayo caasimadaha yaryar? “ “Maxay u baahanyihiin caasimadaha yaryar?”.

Goobjoog News