U bood dhigaalka

Barakac Ka Billowday Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya saakay oo talaado ah deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in shacabkii ku dhaqanaa deegaankaasi ay billaabeen inay barakacaan.

Shacabka barakacaya ayaa ka baqaya in mar kale ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ay dib ugu dagaallamaan deegaankaasi.

Waxaa la arkayaa dad badan oo ku barakacaya gaari Dameeri halka qaarkood adka ay gacmahooda ku qaadanayaan alaabta.

Inta badan dadkani ayaa aadaya deegaannada kale ee ku dhaw deegaanka Bariire si ay uga nabad galaan dagaallo kale oo halkaasi ka dhacay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Bariire ayaa sheegay in shalay iyaga oo ku sugan deegaankaasi lagu dul dagaallamay sidoo kale ay jireen duqeymo xagga cirka ah kaga imaanayey.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay weerar ku qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha hoose waxay haysteen ku dhawaad 4 saacadood inkastoo ay dib uga soo laabteen, waanna midda ugu daran ee hadda shacabka baqdinta ku beertay.

Goobjoog News