U bood dhigaalka

Barakac Ka Socda Deegaanno Ka Tirsan Gedo Oo Shalay Duqeyn Ka Geysteen Diyaaradaha Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah uu barakac baahsan ka soconayo deegaanno ku teedsan degmada Ceel-waaq ee gobolkaasi kadib duqeyn shalay halkaasi ka geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Dad ku sugan degmada Ceel-waaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhammaan dadkii deganaa dhulka buuraleyda ah ee degmada Ceel-waaq ku dhaw ay billaabeen in guryahooda faarujiyaan cabsi ay ka qabaan duqeyn ay kala kulmaan diyaaradaha Kenya.

Dadka qaar ayaa gudaha degmada Ceel-waaq soo galay, halka dadka qaarna la sheegay inay u baxsadeen deegaanno kale oo gobolka ka tirsan.

Afar Carruur oo isku qoys ah ayaa shalay ku geeriyootay deegaanka Ilaalo oo degmada Ceel-waaq qiyaastii u jirta 50-Km, kadib markii diyaaradaha dagaalka Kenya ay halkaasi madaafiic la eegteen.

Maamulka Jubbaland iyo kan Gobolka Gedo weli kama aanay hadal duqeymaha ay goobaha rayidka ah la beegsadeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.

Goobjoog News