U bood dhigaalka

Barakac Saakay Ka Bilowday Deegaanka Bariire Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay dadkii shacabka ah ka billaabeen iney ka barakacaan, kadib markii ay ka baqeen dagaallo ka dhaca deegaankaasi.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi oo ka gaabsaday inaan magaciisa baahinno ayaa inoo sheegay in shacabka ay maqleen in deegaankaasi ay ku wajahan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Deegaanka Bariire waxaa ku sugan oo maamula dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana dadka ay ka baqayaan haddii ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM gaaraan halkaasi dagaallo ay ka dhacaan.

Dadka ayaa inta badan u barakacay deegaannada kale ee ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaanka Bariire ayaa qiyaastii 30 KM u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News