Barakacayaal raashin afur ah loogu qeybiyay Muqdisho

IMG_8052
Dan yar saf ugu jira raashin afur ah oo loogu qeybiyay xero ku taalla Muqdisho

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa galabta qoysas isugu jira Barakacayaal iyo kuwa danyar ah u qaybisay deeq Afurin ah, kuwaasi oo ku nool xeryo ku yaalla degmooyin dhowra oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Afurintan ayaa waxaa maanta ay bisha Cas ee Imaaradka Carbta gaarsiisay qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal, kuwaasi oo ku jira qaar ka mid xeryaha barakacayaasha ee magaalada ku yaalla, waxaana raashinkaasi ay isugu jireen kuwa afrin iyo casho.

Nadiifo Xuseen Maxamed oo ah horjoogaha Xero lagu magacaabo Far-libaax oo ku taalla duleedka Muqdisho agagaarka Ex-koontarool Afgooye ayaa waxay ugu horeyn ka mahad celisay afurintan ay soo gaarsiiyeen Bisha Cas ee Imaaradka Carabta ,waxayna sidoo kale ay sheegtay in xeradan oo ay ku jiraan ugu yaraan 2,500 qoys oo aan muddo helin wax gar gaar ah.

Sidoo kale, mid ka mid dadka xeradaasi ku jira oo dhankooda la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka mahadcelinayaan kaalmada la soo gaarsiiyay, waxaana ay hay’adaha kale ka dalbadeen in kaalmo la soo gaarsiiyo.

Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ayaa wadda qorshe ah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay bulshada Soomaaliyeed kuwooda dan yarta ah ay gaarsiiso raashin afurin iyo casho ah oo ay ugu talagashay inay kaga gudbaan bisha Ramadaan,iyadoona bixinta raashinkan bisil ay la kowsatay maalintii koowaad ee bisha barakaysan Ramadaan.

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW