In ka badan 250 oo qoys ayaa soo gaaray kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho iyadoo welina ay soo qulqulayaan dadka ka soo cararaya dagaalada ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhex maraya deegaanno ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Hooyo Shariifo Siidoow  oo ka mid ah dadkii ka soo barakacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo haatan ku sugan xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in ay heysato xaalad nolol xumo oo aad u daran, waxay jidka kusoo jireen dhowr maalin iyagoo marki hore haysan gaari ay ku soo baxaan inkastoo markii dambe ay heleen
Shariifo ayaa sheegtay in dhibaatooyin kala duwan ay soo gaareen dadka soo barakacay intii ay jidka kusoo jireen, taas oo ay sheegtay in ay qeyb ka tahay in la kufsaday haweenka qaar oo gaari ay isla saarnaayeen .
Dadkan ayaa ka soo dul dagay dad horey barakac ugu ahaa xeryo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho waxaana  haatan ay wajahayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay qeyb ka tahay inaanay haysan wax ay cunaan, isla markaana ay dulsaar ku yihiin dad horey dhibaatoyin ay u haysteen.
Waxaa jirta in haweenka loo gaystay tacadiyo kufsi ah intii ay u soo socdeen duleedka magaaladda  Mqdisho waxaana  la sheekeystay qaar ka mid ah haweenkaas.
Dadka ayaa codsaday in la gargaaro madaama ay ka soo barakaceen guryahooda islamarkaana aysan haysan hooy iyo cuno intaba.
Maryan Axmed waa horjoogaha kaamka ay dadkan soo barakacay ay dagan yihiin, waxa ay Goobjoog u sheegtay in xaaladda dadkan ay liidato muddo dhowr maalin ahna ay ku dabarayeen wax ay iyagu iska soo uruuriyeen.
Weli waxaa si is daba joog ah u soo qulqulaya dadka ka imaanaya deeganno ka tirsan gobolka shabeelaha hoose oo sheeganaya dhibaatooyin  kala duwan kuwaas oo ka mid ah beeraleeyda dalagyada ka soo saaran jiray sanad weliba gobolkaas.
Goobjoog News