U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Nool Gobalka Gedo Oo Ka Cabanaya Xaalad Nolol Xumo

Sheeko:Dalka

Barakacayaal ku nool degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ay sheegeen in xilligaan ay lasoo deristay.

Dadkani oo u badan qoysas haysta caruur aad u yaryar ayaa sheegay inay aad ugu dhib qabaan helitaanka biyo Nadiif ah, raashiin iyo sidoo kale adeeg caafimaad.

Waxay sheegeen dadkani in muddo badan ay qeylo dhaan u sameeyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha samafalka ah, islamarkaana weli aanay arag cid kasoo jawaabta baahidooda.

Mukhtaar Maxamed oo ah gudoomiyaha xerada ay ku noolyihiin barakacayaashaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadii dadkaan aan degdeg wax loogu qabana ay imaan karto xaalad ka daran midda ay hadda ku jiraan.

Waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ah in dadkani ay la gaaraan gurmad bini’aadannimo oo ay ugu horreyso dhanka biyaha maadaama aysan haysan biyo Nadiif ah.

Barakacayaashaan ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa ahaa dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobalkaasi, kuwaasi oo maciin biday inay ku noolaadaan xero bakarac oo degmadaasi ku taalla.

Goobjoog News