U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Deegaanka Ceelcadde Ee Gedo Oo Xaaladooda Nololeed Laga Deyrinayo

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadka barakacyaasha ah ee ku sugan deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Dadkaan oo kasoo barakacay degmada Baardheere, ayaa la sheegayaa in haatan ay u baahan yihiin gurmad dedeg oo isuguu jira raashiin iyo caafimaad intaba.

Gudoomiyaha deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo Cabdi Cali Qoorleex oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in hay’adaha samafalka ah ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadkani.

“Hay’adaha samafalka ah wey ka gaabiyeen inay wax u qabtaan dadka shacabka ah, dhibaatada wey kasii dareysaa, dadkaan kasoo barakacay ma haystaan adeegyo caafimaad, raashiin iyo waxbarasho intaba” ayuu yiri gudoomiyaha.

Waxa uu ugu dambeyn ugu baaqay cid walba oo wax u tari karta dadkaan barakacayaasha ah ay waajib ku tahay in gurmad xooggan ay lasoo gaaraan dadka shacabka ah.

Goobjoog News