U bood dhigaalka

Barakacayaal Ku Sugan Magaalada Baladweyne Oo Dalbanaya Gurmad Bini’aadannimo Oo Degdeg Ah

Sheeko:Dalka

Qoysaska barakacyaasha ee ku nool magaalada Baladweyne ayaa xilligaan ka cabanaya xaalad nolol xumo oo soo wajahday, waxaana ay ku baaqeen in loo gurmado.

Kaamka Ugaas Khaliif waxa uu ku yaallaa magaalada Baladweyne, waxaa ku nool dad badan oo kasoo barakacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Baladweyne, kuwaasi oo sheegay inay kasoo barakaceen ciidanka AMISOM ee ku sugan nawaaxiga garoonkaasi.

Waxay sheegeen dadkani xilligaan dhibaatooyinka dhanka nolosha ah ay ku haysato Kaamkaasi una baahan yihiin gargaar bini’aadannimo.

“Magaceygu waa Faadumo Maxamed, waxaan ka mid ah dadkii kasoo barakacay Airborka oo AMISOM soo dul tagtay baan ahayn, lafaheena baan lasoo baxsannay, dadka dhan alaab xitaa ma aanay soo qaadan, annaga illaa hadda meeshaan baan ku dayacannahay, waxaan ka codsaneynaa walaalaha Soomaaliyeed inay gumad inoo fidiyaan”

Qaar kale oo dadkani ka mid ah waxay sheegeen in hadda ay ugu daran tahay Biyo la’aan baahsan oo dadkani haysa, raashiin, dawo, iyo sidoo kale wax ay ka galaan cadceedda iyo qabowga intaba.

Barakacayaal badan ayaa ku dhaqan magaalada Baladweyne, waxaana qaarkood ay ka kala yimaadeen goballada kale ee dalka iyo sidoo kale kuwo ka barakacay gudaha gobolka Hiiraan.

Goobjoog News