U bood dhigaalka

Barakacayaal Maanta Dibadbax Ka Dhigay Fagaaraha Tarabuunka Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shacab farabadan ayaa maanta dibadbax ballaaran waxay ka dhigeen fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay kaga cabanayaan ammar uga yimid maamulka degmada Hodon, kaasi oo ku aadan in halkaasi ay ka guuraan.

Dadkani qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aysan haysan meel ay degaan, islamarkaana meelaha haatan laga kicinayo in la siinayo sida ay sheegeen dad ganacsato ah.

Hooyo magaceeda kusoo koobtay Fartuun ayaa iyaga oo illintu ka socoto waxay sheegtay in aysan aqoon meel ay tagaan, una baahnaan lahaayeen in dowladda Federaalka ay meel geyso mar hadii guryihii ay deganaayeen laga saarayo.

“Waxaan ka cabaneynaa in xoog nalagu saaro annaga oo halkaan muddo badan, dowladda hadalkeeda diyaar baan u nahay laakiinse kumanaan doolar baa dhulkaan lagu iibsanayaa, waa nala xabadeeyay waan idin baryeenaa shacabka Soomaaliyeed hanoo soo gurmado, dowladda in meel na geyso ayaan jecelnahay, meel aan aadeyno malahan, qaxooti ayaan nahay, saaka illaa hadda dacas la’aan baan wareegayaa” ayeey tiri Fartuun.

Sidoo kale mid ka mid ah Odayaashii dibadbaxan ka qeybqaadanayay ayaa sheegay in dowladda aanay shacabkeeda dhibaato u geysan, laakiinse ay jiraan dad dano gaar ah ka leh dhulkaasi.

Dadkaan dibadbaxa dhigayay ayaa muddo badan ku noolaa fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa la sheegay in ammar uu uga yimid maamulka degmada Hodon kaasi oo ah in halkaasi ay faarujiyaan.

Goobjoog News