U bood dhigaalka

Barakacayaal xoog looga raray Xaruntii Akademiyada Fanka iyo Suuganta ee xaafada Ex Fiyoore, Muqdishu.

Sheeko:Dalka

Qoysas barakacayaal ah oo deganaa Xaruntii Akademiyada Fanka iyo Suuganta ee xaafada Ex Fiyoore ee Degmada Wardhiigley ayey maanta Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir xoog uga rareen halkaas.

Booliiska ayaa qoysaska ku nool Xaruntaan ku amray inay ka guuraan, waxaana la arkaayay Booliska oo burburinaaya jiingado ay qoysaskaasi ka dhex dhisteen xarunta.

Howgalkan ayaa qeyb ka ah howgallo muddooyinkaan dambe ka soconeysay Magaalada Muqdishu kaas oo xoog looga saaraayo qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool guryaha Dowladda Soomaaliya.

Qoysaska la raray ayaa ku dooday in inaan wax digniino ah haba yaraatee la siin.

xamar9xamar8xamar5xamar7