U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Dhaqan Degmada Ceel-waaq Ee Gedo Oo Deeq Lacageed a Gaarsiiyay

Sheeko:Dalka

Hay’adda Samafalka wadaniga ee Life Line,fadhigeeduna uu yahay Gobolka Gedo ayaa deeq lacageed waxaa ay u qeybisey ku dhowaad ilaa 300 qoys oo ka mid ah Kumanaanka Qoys ee Barakacayaasha degan duleedka degmada Ceelwaaq, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyeyba ka cabanayey daruufo adag oo xaga nolosha ah.

Cabdirisaaq Xaashi oo ka mid ah Howlwadeennada Hay’adda Samafalka Life Line ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta Goobjoog News ayaa sheegay Qoysaska la siiyey Lacagaha gargaarka in ay isugu jiraan kuwo ka soo barakacay Magaalada Baardheere iyo kuwa kale oo ka yimid dhinaca Xeryaha Qaxootiga kenya, kuwaasi oo uu sheegay in Qoyskiiba ay siiyeen lacag dhan ilaa 107$ Dollar.

Xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada Ceelwaaq oo gaaraya ilaa 6 xero ayaa xilligan waxaa ku jira dad lagu qiyaasay ilaa 3-kun oo Qoys ,kuwaasi oo mudo haatan laga joogo ilaa 4 sano ay salkiciyeen Abaaro iyo Colaado ka jira degaanno ka mid ah gobalka , waxaana qoysaskani ay ka kala yimaadeen gobollada Gedo, Baay iyo Jubada dhexe .

Lacagaha dadkani la siiyay ayaa waxbadan u qaban doona, maadmaama markii horeba aysan qarash iyo raashiin intaba haysan.

Goobjoog News