U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Dhaqan Degmada Ceelwaaq Ee Gedo Oo Gurmad Raashiin u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo ayaa ka deyriyay xaalada nololeed ee dadka barakacayaasha ah ee kuna dhaqan degmadaasi.

Madaxa samafalka degmadaasi Faarax Macalin Bishaar oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dadka ku sugan degmadaasi ay u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in dadkaasi ay u fureen xeryo loogu tala galay inay deganaadaan, islamarkaana dhawaan mid ka mid ah hay’adaha samafalka u keentay maacuun iyo raashiin aan badneyn.

Mas’uulkaan ayaa sidoo kale Hay’adaha samafalka ah u sheegay inuu ugu baaqayo in dadkaan ay soo caawiyaan, islamarkaana amnigooda ay iyagu ballan qaadi doonaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan leenahay ha’aydaha samafalka ah guud ahaan kaalaya dadkaan wax u qabta, annaga ayaa amnigiina ballan qaadeyna, xaaladda degmada hadda aad bay uga duwan tahay sidii hore” ayuu yiri Faarax Macallin.

Qoysas badan oo ka barakacay deegaanno kale oo gobalka Gedo ah ayaa ku nool degmada Ceel-waaq, waxaana dadkani ay yihiin kuwo u baahan gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Goobjoog News