U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Dhaqan Degmada Jowhar Oo Aan Ka Qeybgalin Damaashaadka Ciidul Adxaa

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegeen in aysan ka qeybgalin marnaba damaashaadka ciidul Adxaa, xaalado nololeed oo haysata awgeed.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabellaha Dhexe, Aadan Xuseen Daa’uud ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah Kaamamka ku yaalla magaalada Jowhar, si uu usoo xog wareysto qoysaska halkaasi ku dhaqan ayaa la kulmay dad badan oo dan yar ah.

Waxay sheegeen dadkaasi in ay awoodi waayeen inay la damaashaadaan dadka Soomaaliyeed, iyaga oo tilmaamay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah hayso.

Fartuun Cabdi Amiin, waxa ay kamid tahay hooyooyinka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Jowhar, waxay sheegtay in ay haysato 8 caruur ah, islamarkaana ay iyada u shaqeyso, sidaas ay tahayna u awoodi weysay caruurteeda in ay dhar u iibiso.

Waxaa jiro dad badan oo barakacayaal ah, kuna sugan qaar ka mid ah gobalada dalka, kuwaas waayay wax ay ku ciidaan.

Goobjoog News