U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Dhaqan Magaalada Gaalkacyo Oo Xaalad Aadag Laga Soo Sheegayo

Sheeko:Dalka
Qaar ka tirsan barakacayaal ku sugan gudaha Muqdisho.
Qaar ka tirsan barakacayaal ku sugan gudaha Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ku nool dad badan oo barakacayaala ah, kuwaa oo halkaasi ka degan Xerooyin loogu tala galay dadka soo barakacay.

Kaamka Buulo Jawaan waxa ku nool qoysas badan oo halkaasi ku barakacay, waxaana haysata xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Dadkaan guryaha ay ku hoydaan waa aqalo ka sameysan Baco, iyo waxyaabo aan u adkeysan cadceeda iyo sidoo kale Qabowga.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi oo u waramay Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in ay haysato xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadka qaarkoodna aysan awoodin in ay helaan raashiin.

Marka laga hadlayo dhanka gargaarka waxaa la sheegay in dadka aysan Gargaar, islamarkaana xilligaan ay doonayaan in cid walba oo Soomaaliyeed ay lasoo garab istaagto wax walbo oo ay dadka u heli karaan.