U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Nool Muqdisho Oo Caruurtooda u La Waxbarasho

Sheeko:Dalka

Qoyasas badan oo ku nool xeryaha barakacayasha ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo   duleedkeeda  ayaa caruurtooda aysan haysan waxbarashada Asaasiga ah marka laga reebo Dugsiga Qur’aanka Kariimka oo ay dhigtaan carruur aan sidaa u badneyn sababta oo ah inta badan qoysaskan ma awoodaan in carurtooda ay waxbaraan ama ay ka bixiyaan lacagaha lagu dhigto Iskuullada ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Jiija Cumar Maxamed waa hooyo haysata 6 carur ah balse midkood uma dhigta Iskuul, waxay inoo sheegtay inay jeclaan lahayd  inay caruurteeda ay wax u bartaan balse aysan awoodin in lacagta waxbarashada ay kabixiso.

“Caruur ilaah waa uu isiiyay waxaan haystaa 6 caruur ah seddex gabdhood iyo Seddex wiil balse waxbarashada ma u heli kari inaan geeyo waan jeclaan lahaa, inay wax ii bartaan hadii an awoodo laakiin hadda maya taa ma awoodo” Jiija ayaa sidaasi tiri

Shamso Cali waa gabar 10 sano jir ah oo aan kula kulmay mid ka mid ah kaamamka magaalada Muqdisho, waxay inoo sheegtay in ay mar ay heleen xarrun waxbarasho oo laga hiragaliyay halkii ay daganayeen laakiin xirmay hadana aysan haysan waxbarasho.

‘’Aniga waxaan rabaa inaan wax barto laakiin waalidkeyga ma ii awooda inuu wax I baro waxaa jiray xarrun waxbarasho oo noola sameeyay weyna xirmatay hada ma haysto waxbarasho waana u bahannahay’’

Macallin Xuseen Cali Kheyre oo ka mid ah dadka ku nool kaam ku yaalla xaafadda Sigaalle ee degmada Hodan ayaa inoo sheegay in aysan waxbarasho haysan caruurta ku nool kaamamka barakacayaasha ee Muqdisho, ayna u baahnaan lahaayeen cid arrintaasi ka caawisa.

‘’Halkaan waxaa ku nool caruur badan oo da’dii ay waxbarashada u baahnaayeen gaaray mana haystaan waxbarasho ma jirto cid ka cawineysa, waxaan ka codsanayaa dawladda iyo dadka kale ee ilaah wax siiyay inay dhanka waxbarashada ay naga taageeraan’’ ayuu yiri Macallin Xuseen Cali.

Sidoo kale Ruqiyo Maxamed Xuseen oo iyadana dadka kaamkan ku nool ka mid ah oo haysta caruur dhowr ah ayaa iyadana ka shekeynaysa dhibatooyin badan oo haysta  oo ka mid tahay waxbarasho la’aan iyo caafimaad darro.

‘’Haddaan nahay dadka ku nool kaamamka barakacayaasha waxaan qabnaa dhibaato badan, sida caruurteenii oo aah haysan waxbarasho, xaafadaha iska joogaan, iyo sidoo kale in aysan jirin cid la socota caafimaadkeena, annagane ma haysanno dhammaantood qarash aan ku bixinno”

Waa muhiim in caruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho, waayo waa hogaamiyayaasha mustaqbalka, hadii jiilka soo koraya aysan aqoon ku filan helin waxaa hubaal ah inuu dib u dhacayo horumar walba oo dalku hiigsanayo.

W/D: C/wahaab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News