U bood dhigaalka

Barakacayaasha ku sugan degmada Howlwadaag oo maanta si lacag la’aan ah loogu sameeyay adeeg caafimaad (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

barakacayaalMaamulka dagmada Holwadaag, iyo Ururka ganacsatada Daawalayda Soomaaliyeed ayaa maanta adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmadaasi.

Axmed Cali Suldaan oo ah gudoomiyaha Ururka Ganacsatada Daawaleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta adeega ay qabteen ahayd bukaan eegtada, ka dib codsi ay shacabka usoo jeediyeen.

Axmed ayaa sheegay in iyaga oo wata dawadii, Dhaqaatiirtii iyo qalabkii waxbaarista ay gaareen degmada Howlwadaag si ay uga jawaabaan codsiga dadkaasi, ka dib roobab biyo fariisid sameeyay oo guud ahaan magaalada Muqdisho ka da’ay.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in kaliya degmadaHowlwadaag aanay ka qabaneyn howshaan gurmadka caafimaadka ah, balse dhamaan degmooyinka Magaalada Muqdisho ay sidaan uga fulin doonaan.

Adeegyada caafimaad ee maanta la sameynayey waxaa ka faa’ideystay dad tiradooda lagu sheegay 120 qof, kuwaa oo nasiib u yeeshay in diiwaan gelinta maanta ay helaan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News