U bood dhigaalka

Barakacayaasha Ku Sugan Magaalada Muqdisho Oo u Baahan Gurmad Cunto Iyo Caafimaad

Sheeko:Dalka

Boqolaal qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo ku nool meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaan heysan nolol ku filan waxa ayna  ku hoydaan guryo ka sameysan baakado iyo bacaha oo la isku geeyay xitaa mar marka qaar ay dabeysha ka bitiso.

Taasi waxaa uu sii dheer inaysan heysan cunno iyo biya ku filan oo nolol ay ka dhigtaan maadaama qaar badan oo ka mid ah dadkasi ay noo sheegeen inaysan wax  gurmad ah helin in mudo ah.

Faaduma cismaacil waxa ay dhowr sano  ku nooleed kaam ku yala magaalada Muqdisho xilli ay ku sugneyd gudaha kaamkaasi ayey iiga warantay nolosheeda .

“halkan aynu degenahay ma jirto cid wax nagu siisa waa nolol adag runtii biyo ayaa na qaada xilliyada roobka ma haysano wax nolol ah iyo maacuun noloshana waa mid aan wanaagsaneyn dhammanteen “ Ayey tiri Faduma Cismaciil

Kaamka Daamoole waxaa uu ku yaala degmada Hodan waxaa ku nool 120 qoys sida uu ii sheegay hoorjoogaha kaamkaasi Xasan Cabdullaahi Keynan mana helaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah.

Xasan ayaa sidoo kale iisheegay inay u badan yihiin qoysaskan dadkii laga soo saaray xarumihii dowladda muddo ka badan 5 sano wuxuuna  xusay inay ku nool yihiin nolol adag iyagoo aan wax gargaar ah  helin.

“Waxaan ahay guddoomiyaha kaamkan waxaan kuu sheegi karaa in dhibaato badan oo xagga cafimaadka cunno la’aan waxbarasho la’aan ay ka jirto goobtan mana jiraan cid na kaalmeysa waxaan u baahanahay gurmad dhan walba ah”

Mar kale Faaduma Cismaaciil ayaa u sheegtay GOOBJOOG NEWS inay cudurro badan ay ka dillaaceen kaamkan oo ay ka mid tahay cudurka duumada  oo ilmaha iyo dadka waaweyn ku dhaca iyadoo tilmaamtay inuu cafimaadka yahay mid liita biyo nadiif ahna aysan heli karin dadka oo ay adagtahay.

“carruurta way naga xununsanayaan goobaha caafimaadkana waa lacag ma awoodno waxaa noo sii dheer biyo nadiif ah oo aan cabno ma helno waxaan ka doonanaa iyaga oo lacag ah meel naga fog”

Qoysaskan ayaa dalbanaya in dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka  bxiya inay  gurmad u fidiyaan dadkaan barakacayaasha ah  sanado badan iyadoo weliba ay jirto in dad badan oo Dowladda si qasab ah ay uga saartay xarumo dowladeed oo ay  mudadii burburka ku noolaayeen .

waxayna sheegayaan in Dowladda ay ahayd inay ka hor inta aysan ka saarin xarumahaasi ay u sameyso dib u dejin taasi oo aysan ka helin.

Khadiijo Cumar oo ah hooyo haysata 6 carruur ah oo in ka badan 20 sano ahayd barakac ayaa ka sheekeysay sida ay u nool yihiin.”

“Runtii noloshan waa mid aan ku rafaadnay waxaan koriyaa carruur aabahood aan kala tagnay 20 sana ka badan ayaan ahay barakac ma helno waxaan ku noolaano waxaan dooneynaa in nala soo gargaaro waxaan u baahanahay caawimaad dhan walba ah”

Nolosha qoysaska barakacaayasha ayaa ah mid xilligaan aad u liidata oo waxaa aad u adag inay helaan waxay ku noolaadaan marka laga reebo wax yar oo magaalada dhib badan u maraan sidii ay ugu noolaan-lahaayeen

Waxaa kale oo aysan awoodin inay carruurtooda waxbarasho u helaan iyo caafimaad maadaama ay yihiin jiil  hadda soo koraya oo ah mustaqbalka waddanka .

W/ D: Cabdiwahaab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News