U bood dhigaalka

Barakacyaasha Ku Nool Xerada Caga Dhiig Oo Ay Heysato Xaalad Bani’aadannimo

Sheeko:Dalka

Xerada Caga Dhiig oo ku taallo degmada Warta Nabadda qoysaska danta yar ee ku nool xilliyada roobabka waxay ku okortaan Musqulaha ku yaallo masjidka Al-raxmah.

Maasaajidka ayaa ah midka siiya gurmadka ugu weyn marka uu roobka socda dadkan waxaana loo furaa Musqulaha iyo meesha weysada si ay gabaad uga dhigtaan.

Cabdi Xasan Waa barakace ku nool xerada waxaa uuna yiri “Roobka marka uu socdo waxaan ku okorannaa Musqulaha Masjidka wax aan cunno ma heysanno cuntadii iyo alaabtii aan wax ku karsan jirnay waxaa naga qaaday biyaha roobka”.

Imaamka Masjidka AL-raxma Sheekh Cali Sheekha Aweys oo lahadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wax kasta oo ay sameyn karaan u sameeyaan dadkan barakacyaasha ah isaga oo Tilmaamay in ay u furan Musqulaha Masjidka .

“Xilliga uu roobka yimaada maamulka iyo Guddiga Masjidka waxay isku afgarteen in qeybta dambe ee Masjidka loo furo dadka barakacyaasha ah marka ay socdaan roobabka si ay ugu okortaan

Goobjoog News