U bood dhigaalka

Bari: 7 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Dhex Maray Puntland Iyo Daacish

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo gelinkii dambe illaa habeenkii xalay ahaa dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa kooxda Daacish.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka 53 Km u jira degmada Qandala oo Bil kahor ay la wareegeen dagaalyahanno sheegay iney kamid yihiin ururka Daacish.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Puntland oo kusii jeedey dhanka degmada Qandala ay dagaal kaga horyimaadeen dagaalyahannada Daacish, balse ay ciidanka iska caabiyeen.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha iney dileen 7 kamid ah dagaalyahannadaasi, dhankoodana wuxuu sheegay in Saddex Askari ay ka dhaawacantay.

“Annaga oo kusii jeedna Qandala ayeey jidka inoo dhigeen Miino, markii aan bilownay inaan miinadaasi fur furno ayeey rasaas nagala horyimaadeen, waan iska difaacnay, waxaana ka dilnay 7 nin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in dhanka ciidanka Puntland uu soo gaarey khasaare dhimasho ah, balse tirada rasmiga ah lama hayo.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in ay ka go’an tahay iney gacanta dib ugu dhigaan degmada Qanadala oo Daacish ay hadda maamusho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News