U bood dhigaalka

Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Sharci Doorasho Heer Federal oo Laalan

Sheeko:War

Hordhac:28da Disember 2019, 171 Xildhiban ee Golaha Shacbiga ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxay ansixiyeen Sharciga Doorasho Heer Federal oo laalan (dabran), waxaa diiday 5 Xildhiban, waxaana ka aamusay 2 xildhiban. Su’aasha taagan waxay tahay maxaa 171 xildhibaan ku qanciyay inay ansixiyaan sharciga aan dhaqangal aheyn, isburinaya, u baahan saxitaan rasmi ah?

Waxaan caddeynayaa inaan ka mid ah Aqlabiyadda Soomaaliyeed oo qabta inaysan suura gal aheyn in doorasho Hal Qof Hal Cod (HQHC) oo xalaal iyo xor ah ka dhacaysoJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) sannadka 2020/2021. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxay ka baaqsaday fulinta waajibaadka wadaniga ah ee laga rabayoo ahaa diyaarinta doorashada HQHC oo xalaal iyo xor ah 2020/2021 sida ku cad Dastuurka Federaalka KMG ah iyo ballanqaadka 2016. Xilgudasho la’aantaas waa dambi weyn ee laga galay nabadda iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.

Labada sababood oo ugu weyn ee aysan ku dhici karin doorashada HQHC 2020/2021waxay ku cad yihiin warbixinta Guddiga kmg ee Golaha Shacbiga (GSh) ee Barlamaanka Federaalka Soomaliya (BFS) u xilsaaray diyaarinta sharciga doorashadaiyo Sharciga Doorashada Golaha Shacbigaansixiyay 28da Disember 2019 haseyeeshe laalan (suspended). Haddaba, su’aalaha akhristayaasha isweydiin karaan waxay yihiin:

  1. Maxay tahay sababta guddiga Golaha Shacbigau soo diyaariyay sharci doorasho HQHC ayadoo warbixintiisa ku soo caddeeyay in aqlabiyadda saamileyda siyaasadda Soomaaliya isku raaceenin Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho HQHC 2020/2021?
  2. Maxay tahay ujeedada loo ansixiyay sharci doorasho HQHC oo aan dhaqangal aheyn, laguna maamuli karin doorashada 2020/2021?
  • Maxay tahay sababta Xukuumadda Dowladda Federaalka ugu gudbisay BFS sharci doorasho aysan kala tashan saamileyda siyaasadda?
  1. Doorasho xor iyo xalaal ah oo aan aheyn HQHCma ka dhaci kartaa Soomaaliya 2020/2021?
  2. Maxay tahay sababta aan looga wada hadleyn hab doorasho ee la hirgelin karo 2020/2021 oo aqlabiyadda saamileyda siyaasadda Soomaaliya heshiis ku tahay?

Ra’yigeyga, waxaan ila tahay inujeedada koowaad ay tahay in la abuuro jaahwareer dhaliya in la yiraahdo suura gal ma ahan doorasho HQHC marka la isbarbardhigo fulinta sharciga doorashada Golaha Shacbiga ansixiyay, xaaladda siyasadeed, nabadgelyo, iyo wadashaqeyn ee dalka ku sugan yahay, khilaafka ka taagan iswaafajinta doorasho xor ah iyo awood qaybsi qabileed iyo qoondada haweenka, iyo waqtiga gaaban ee ka harsan muddada doorashada 2020/2021. Waxaa dhici karta inay jiraan sababo kale oo iga dahsoon. Ma qabo in qof mas’uul ah oo ka dhamqanaya xaaladda dadka iyo dalka Soomaaliya ku sugan yihiin uu ku fakari karo in sharciga doorashada ee Golaha Shacbiga ansixiyay la hirgelin karo2020. Sharcigaasu wuxuu u baahan yahay dib u eegid iyo ka baarandegidqoto dheer si looga saaro qaladaadka faraha badan ee ku jira.

Intaa kaddib, waxaan hoos ku koobaya, ugana faalloonayasharciga doorashada oo ay ku jiran qodobbo isburinaya iyo kuwo abuuraya shaki weyn oo ah in doorasho xalaal ah ka dhacayso Soomaaliya 2020. Hal ku dhegga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ) waxay tahay: “Daawada dal burburay waa Doorasho xor iyo xalaal ah waqtigeeda dhacda.”

Xusuus muhiim ah

Waxaa waajib ah in mar kasta lagu celiyo is xusuusinta in sameynta sharci doorasho ka horreyso sugidda wadajirkaiyo wadatashiga dadka Soomaaliyeed, dhammeystirka Dastuurka muddada dheer qabyada ah, sameynta sharciga nidaamka dowladda iyo baahinta xukunka dowladda, tirakoobka shacabka Soomaaliyeed, sameynta sharciga muwaadinnimada, iyo dib u habeynta sharciga Xisbiyada, dhismaha garsoor, maamul doorasho, iyo nabadgelyo lagu aamino karo fulinta doorasho xor iyo xalaal ah, iyo ku talagalka dhaqaalaha loo baahan yahay. Kutalagalka Miisaaniyadda GMDQ 2020 waa 3 milyan doolar.Doorashada xorta iyo xalaasha ah waxay markhaati fur u tahay in Madaxda Ummadda iyo Dowladda Soomaaliyamataleysa ay haystaansharciyadda iyo kalsoonida shacabka soomaaliyeed.

Sharciga doorashada BFS ansixiyay wuxuu ka soo horjeeda nuxurka qodobka 11 ee dastuurka kmg kuna saabsan “Sinnaanta muwaadiniinta JFS.” Afarta (4)faqradood ee uu ka koobanyahay qodobka 11 waxay ku nuxnuuxsanayaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay leeyihiin waajib iyo xuquuq mid ah,ayna siman yihiin sharciga hortiisa. Qabiilka iyo qabiilnimadawaa dhaqan, dareen, caqiido,cudur la dagaalamaya dowladnimo ku dhisan qodobka 11 ee dastuurka kmg.

Ammaankooban iyo dhalliilbaallaran

Hoggaanka iyo Guddiga Golaha Shacbiga waxay mudan yihiin ammaan kooban marka la fiiriyo habka (process) diyaarinta iyo doodda sharciga doorashada oo aad uga wanaagsan qabyo qoraalkii sharci ee Xukuumadda u soo gudbiyay Golaha Shacbiga, kaasoo aad loo dhalliilay dhinac walba, muujiyayna daacad darrada MadaxdaXukuumaddaka qabto doorasho xalaal iyo xor ah. Nasiib darro, dadaalka BFS waxaa baabi’iyay qodobka 53 ee sharciga doorashada kuna saabsan “Dib u dhaca Doorashooyinka.”BFS wuxuu ku xadgubay dastuurka kmg, mabaadi’ida sharciga doorashada ku taxan qodobka 4aad, iyo taabagelinta nidaamka dimoqradi ah. Qodobka 53 wuxuu xoojiyay shakiga ah in Soomaaliya aysan ka dhaceyn doorasho heshiis lagu yahay 2020/2021.Waxaa halis ah in Beesha Caalamka mariso doorashada 2020/2021 tub qallocan.

Warqadda taarikhdeedu tahay 6 Jannaayo 2020 ee Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Xildhiban Maxamed Mursal Sheikh Cabduraxman uga jawaabay warqad taarikhdeedu tahay 27 Disember 2019 ee Wakiillada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska, QM, iyo Midowga Yurubu soo direen, waxay ka hadleysa in Golaha Shacbiga wax ka qaban doono 6 qodob oo sharciga doorashada ku murugsan, kuwaaso kala ah (1) qaybinta kuraasta deegan doorasho, (2) xeerka doorashada xildhibannada Somaliland, (3) Diiwangelinta codbixiyayaasha, (4) qaybinta kuraasta Aqalka Sare, (5) ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashada, iyo (6) iyo qoondada haweenka. Warqado is dhaafsiga dhexmartay Guddoomiyaha Golaha Shacbiga iyo Wakiillada Beesha Caalamka waxay muujineysa mugdiga badan ee ku jiro sharciga doorashada. Jawaabta Guddoomiyaha waxaa muuqda ismaaweelin.

Faahfaahinta Sharciga Doorashada

Sharcigu wuxuu ka kooban yahay 7 cutub oo kala ah: qodobbo guud, maamulka doorashooyinka, diiwan gelinta codbixiyayaasha, musharraxiinta iyo ololaha doorashooyinka xisbiyada, diyaar garowga doorashooyinka iyo codbixinta, tirinta codadka iyo natiijada doorashooyinka, iyo qodobbo qubane ah. 7 cutub waxaa hoos yimaada 58 qodob.

Sida ku cad qodobka 1 ee sharciga doorashada, Magaca sharciga waa “sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federal,” taaso meesha ka saareysa doorashada dowlad goboleedyada iyo golayaasha dowladaha hoose, waxna ka beddeleysa qodobka 14 ee sharciga GMDQ L. 04 ee 02.04.2015.

Qodobka 2aad wuxuu ku saabsan erey-bixinta 25 erey, waxaana si gaar ah u soo qaadanaya 4 erey bixin ee kala ah “Xisbi,” “Musharrax”“muwaadin,” iyo “deegaan doorasho.”

  • Xisbi waxaa loola jeeda xisbi siyasadeed ama isbaheysi ay ku mideysan yihiin xisbiyo siyasadeed oo si rasmi ah loo diiwan geliyay iyadoo la raacayo qodobka 6 ee sharciga Xisbiyada lr. 19 ee 27 Juun 2016. Ilaa maanta waxaa khilaaf ba’aan ka taagan yahay in Xisbiyada ka furan karaan xafiisyo dowlad goboleedyada marka laga reebo Gobolka Benadir, halka ay xafiisyo ka furanayaan dalka dibeddiisa, taaso ah deg deg iyo maawelo.
  • Musharrax waxaa loola jeeda musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha JFS iyo xubin ama kursi golayaasha BFS, musharraxaaso ku tartamaya magaca xisbi siyasadeed. Qodobka 88 ee dastuurka kmg kuna saabsan shuruudaha ka qaybgalka doorashada Madaxweynaha JFS kuma jirto in Madaxweynaha ka tirsanaado Xisbi, arrintaaso u baahan in si qoto dheer loo darso ayadoo la tixgelinayo xilka Madaxweynaha JFS ee ku qoran qodobka 87 ee dastuurka kmg.
  • Muwaadin waxaa loola jeeda qof kasta oo buuxiya shuruudaha ku qoran dastuurka federaalka kmg iyo shuruucda kale ee xeerinaya. Qodobka 8 ee dastuurka kmg wuxuu dhigaya in muwaadinnimada JFS tahay mid keli ah oo aysan jirin dhowr muwaadinnimo, isla markaana BFS soo saari doono sharci gaar ah ee caddeynaya sida lagu kasban karo, lagu hakin karo ama lagu lumin karo muwaadinnimada. Waxaa xaaran ah in la abuuro muwaadinnimo deegan. Nasiib darro, BFS sooma saarin ilaa maanta sharciga muwaadinnimada. Qodobka 8 wuxuu kaloo caddeynaya inmuwaadinka soomaaliyeed oo qaata muwaadinnimo dal kale uu haysanayo muwaadinnimada JFS. Haseyeeshe, waxaa welwel iyo shaki weyn laga qabaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta muwaadinnimada dalal ajnabi ah oo qabanaya xilalka qaarkood sida xilka Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada, iyo BFSay daacad u noqon karaan difaaca danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa xaaran ah in muwaadinka soomaaliyeed laga qaato muwaadinnimadiisa arrimo siyasadeed dartood.
  • Deegan-doorasho waxaa loola jeeda deegaan loo asteeyay in laga soo doorto hal kursi baarlamaan. JFS waxay yeelaneysa 275 deegan doorasho ee xildhibannada Golaha Shacbiga iyo 18 deegaan doorasho ee xildhibannada Aqalka Sare ah. Sida ku cad qodobka 111G (E) ee dastuurka kmg, GMDQ ayaa awood u leh inuu caymiyo “deegaan doorasho” (delimitation of constitutencies and wards).

Qodobka 3 wuxuu ku saabsan yahay ujeedooyinka Sharciga doorashada oo ay ugu muhiimsan tahay qeexidda nidaamka doorashada (electoral model) iyo maamulka doorashada xubnaha BFS. Xilka GMDQ oo ah inuu maamulo doorashada Madaxweynaha JFS oo BFS mas’uulka ka yahay waxay carqalad ku tahay sarreynta hoggaaminta BFS.

Xilka Madaxweynaha JFS oo ku qeexan qodobka 87 ee dastuurka kmg wuxuu dalbaya in Madaxweynaha JFS uusan ka tirsanaan Xisbi si uu u guto xilkiisa ah inuu ilaaliyo in dhammaan hay’adaha qaranka ku dhaqman dastuurka iyo sharciga.

Dalka Talyaaniga iyo dalal kaleba waxay tijaabiyeen in 3da goor ee ugu horreysa codbixintadoorashada Madaxweynaha laga dhigo 2/3 halka midda 4 laga dhigo 50%+1. Tan kale,Xubnaha 2 Gole ee Barlamaanka Talyaaniga waxaa lagu kordhiya wakiillo dhan 58 ee ka socda Goballada oo ka qayb galaaya doorashada Madaxweynaha keli ah.

Qodobka 4, Faqradda 3 waxay tilmaameysa in muwaadin kasta JFS u dhashay xaq u leeyahay inuu wax doorto,lana doorto takoor la’aan. Faqraddaan waxay taagereysa qodobka 11 ee sinnaanta muwadiniinta iyo nidaamka doorashada tartanka ku dhisan, waxayna ka soo horjeedanidaamka awood qaybsiga beelaha 4.5, qoondada 30% haweenka, iyo shardiga isu dheellitirka qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faqradda 7 ee qodobka 4 waxay xaarantimeyneysa in xafiiska, hantida iyo shaqaalaha dowladda loo isticmaalo taageridda xisbi ama musharrax doorasho.Haseyeeshe Madaxda Dowladda Federaalka waxay maanta la joogo ka soo horjeedaan qodobkaasdastuuriga ah.

Qodobka 6 wuxuu ku saabsan yahay GMDQ oo maamulaya doorashada heerka federaalka ah. GMDQ waxaa lagu dhisay qaabka awood qaybsiga qabiilka oo BFS ansixiyay. Sharciga doorashada wuxuu ku dhisan yahay Xisbiyo. Sidaa darted, Xisbiyada waxay xaqa u leeyihiin inay xubno matalaya ku yeeshaan GMDQ.

Qodobka 7, xarafka A wuxuu faraya in la sameeyo daraasad ku saabsan sidii loo sameyn lahaa goobo-doorasho oo ay codbixiyayaasha codkooda ka dhiiban karaan maalinta doorashada. Xarafka Bee isla qodobka 7 wuxuu tilmaamayaa in GMDQ go’aaminayo maalinta doorashooyinka la qabanayo, taaso ay ka dhalan karto khilaaf iyo qalalaase siyasadded. Sidaa darted, waxaa habboon in dastuurka iyo sharciga doorashada lagu xadido waqtiga doorashado dhacayso.

Qodobka 8 wuxuu dhigaya in Madaxda ka howlgaleysa xarumaha goobaha doorashooyinka lagu hordhaarinayo xubno ka mid ah GMDQ. Waxaa ka habboon in hawlwadennada GMDQ lagu hordhaariyo Garsoore Maxkamadda qaabilsan doorashada.

Qodobka 9 wuxuu caddeynaya xasaanadda xubnaha GMDQhoggaamiyo mabaadi’ida guud ee ay ka mid yihiin: ilaalinta midnimada iyo wadajirka JFS, mabaadi’ida nidaamka dimoqradiyadaa iyo federaalka, ilaalinta xuquuqda siyasadeed iyo dowga ay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo in xilkooda ku gutaan dhexdhexaadnimo, cadaalad, hufnan, karti, anshax suuban. Nasiib darro, Xubnaha GMDQ isku duubnaan uma difaacan mabaadi’ida guud iyo madaxbannaanida GMDQ oo aad iyo aad muhiim ugu ah doorasho xor iyo xalaal ah.

Qodobka 10 wuxuu qeexaya nidaamka doorasho oo ah nidaamka aqlabiyada(Majoritarian system) oo ku saleysan tartanka halkii kursiba gaarkiis loo dooranayo (single member plurality). Habkaan waxaa lagu kala baxayo codka hal dheeriga ah ee tartanka kursiga deegaanka, wuxuuna ka duwan yahay nidaamka nisbadaxisbiyada ee liiska xiran (Proportional Representation Closed List) oo Xukuumadda iyo GMDQ taagersanaayeen.

Qodobka 11 wuxuu ku saabsan yahay shuruudaha doorashada Madaxweynaha JFS oo ku qeexan qodobbada 87 iyo 88 ee Dastuurka federaalka ee kmg. Qodobkaan waxaa lagu kordhiyay in Madaxweynaha la doorto uu Ra’iisul Wasaare ka soo magacaabayo Xisbiga ku guuleysta aqlabiyadda xildhibannada BFS 50%+1 iyo in Xukuumadda oo dhan hal mar weydiisaneyso BFS codka kalsoonida.

Qodobka 12 ee ku saabsan doorashooyinka labada gole ee BFS wuxuu ka kooban yahay 8 Faqradood. Faqradda 1aad waxay tixraacaysa qodobbada 64 (3)iyo72 (c) ee dastuurka kmg ah, kuna wada saabsan isu dheelitirka matalaadda qaybaha bulshada, hase yeeshe waxay ka gaabsatayka hadalka qodobbada kala ah 72 (b) ku saabsan in dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro is la eg ah iyo qodobka 9 ee ku saabsan Magaalo Madaxda JFS, ahna Gobolka Benadir oo aan matalaad laheyn.

Faqradda 2 waxay dhigaysa in doorashado ka dhacayso dalka oo dhan. Farqaddan waxay burineysa faqradda3 oo leh, “ilaaiyo inta laga gaarayo tirakoob rasmi ah oo ka dhacda dalka oo dhan, laguna saleynayo qaybinta kuraasta hab deegaann doorasho, doorashada 275 xildhibaan waxay ka dhacaysa meel kasta oo suuragal ah iyada oo la ilaalinayo hannaanka awood qaybsiga bulshada soomaaliyeed lagu heshiisay.” Faqraddaan waxaylaaleysadhammaan doorashada HQHCee sharciga doorashada ku saabsan yahay.

Faqradda 4 Qaybinta kuraasta Aqalka Sare waxaa loo raacaya sida ku xusan qodobka 72aad oo ah 18 gobolka oo dalka ka jiray 1991 ka hor. Hase yeeshe, Golaha Shacbiga ma tixgelin shuruudaha ku qoran qodobka 72 ee dastuurka kmg iyo xaaladda gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ku xusan faqradda 7  ee hoos ku xusan.

Faqradda 5 waxay dhigaysa in dowlad goboleedyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed iyo isu dhellitirnaanta mataalada bulshada ee kuraasta Aqalka sare, taaso aan suura gal aheyn sababtoo ah gobol kasta waxaa loo tartamaya 3 kursi oo muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu u tartamo, dowlad goboleedyadana uusan xil ka saarneyn.

Faqradda 6 waxay dhigaysa in doorashada labada gole ee BFS dhacayso si wadajir ah, codbixiyayaashuna hal mar wada dooranayn musharrixiinta labada Gole.

Faqradda 7 waxay dhigeysa in doorashada xildhibannada labada gole ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland), yeelaneyso habraac u gaar ah oo BFS soo saarayo.

Faqradda 8 waxay jideyneysa in BFS ka mid ahaan doonaan xildhibanno madaxbannaann oo aan xisbi ka tirsaneyn haddii Xisbiga ay isku soo sharraxeen, kuna guuleysteen uusan helin tiro xildhibanno ka badan 13 xildhibaan. Arrintaas waxay albaabka u fureysa in BFS ka mid noqon karaan xildhibanno madaxbannaan (independent MPs). Sharciga kama hadlin Xildhibannada ka baxa Xisbiga lagu soo doortay.

Qodoboka 13 lambarkiisa 1 wuxuu dhigaya in dhammaadka 4 sano walba dalka Soomaaliya ka dhacayso doorasho sida ku cad qodobka 60 ee dastuurka federaalka kmg ah, waxayna doorashada dhacaysa bil ka hor dhammaadka muddada 4 sano ee muddada BFS. Hase yeeshe, faqraddaanwaafaqasam dastuurka kmg ah waxaa burrinaya qodobka 53 ee sharciga doorashada iyo faqradda 2 ee isla qodobkaan oo oggolanaaya dib u dhigidda doorashada 4 sano kaddib.

Faqradda 2 ee isla qodobka 13 waxay sheegaysa in GMDQ uu ku dhawaaqayo maalinta doorashada marka uu xaqiijiyo jiritaanka dhammaan xaaladaha suuragelinaya doorashada, taasoo loo fasiri karo in ku dhawaaqidda maalinta doorashada ku xiran tahay qiimeynta GMDQ, taaso ka soo horjeeda qodobka 60 ee dastuurka kmg oo faraya in 4 sano kasta dalka soomaaliya laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah. Ma jiro xildhibaan haysta sharciyad iyo xasaanad 4 sano ka badan haddii aan dib loo soo dooran. Waxaa khalad ah in la yiraahdo BFS waa shaqeynaya ilaa barlamaan kale laga soo doorto, taaso horseed u noqoneysa xukun dheereysi, qaadashadamushaar sharcidarro ah, iyo ka baaqashada fulinta waajibaadka qabashada doorashada muddeysan sida caadada noqotay.

Lambarka 3 ee qodobka 13 wuxuu dhigaya in GMDQ ay ku dhawaqaayaan maalinta doorashada 180 maalmood ka hor waqtiga codbixinta qabsoomi doonto. Muddada Xildhibannada BFS 10aad ee hadda xilka haya waxay ku eg tahay 27/12/2020. Sidaa darted, doorashada BFS 11 waxay dhacaysa 27/11/2020 sida waafaqsan qodobka 12 (8).  GMDQ waa inuu go’aanka maalinta doorashada dhacayso ku dhawaaqo 27/5/2020.

Lambarka 4 ee qodobka 13 wuxuu dhigaya in Madaxweynaha JFS dekreto ku saarayo maalinta qabashada ama codbixinta doorashada 15 maalmood gudahooda marka GMDQ ku dhawaaqo maalinta doorashada dhacayso. Ayadoo laga waayo aragnimo qaadanayo musuqmaasuqa doorashooyinka ka dhaca dalalka Soomaaliya la midka ah, waxaa muhiim in dastuurka Federaalka lagu caddeeyo waqtiga doorashada.

Qodobka 14 wuxuu dhigaya in JFS yeelaneyso diiwanka codbixiyayaashadalka oo dhan. GMDQ ayaa ka mas’uul ah diwangelinta, keydinta xogta diiwaanka iyo xafidaada xogta diiwanka. Codbixiyaha wuxuu codkiisa ka bixinaya meesha (goob deegaanka) uu iska diiwangeliyay. GMDQ ayaa xeer gaar ah ku soo saaraya wixii faahfaahin dheeraad ah ee loo baahdo. Qodobkaan waxaa laalay qodobka 12 (3) ee kor ku xusan.

Qodobka 15 wuxuu ku saabsan yahay shuruudaha diiwangelinta. Lambarka 1 ee qodobkaan wuxuu dhigaya in is diiwaan gelinta codbixiyaha u furan tahay qofkasta oo soomali ah oo gaaray da’da 18 sano waqtiga diiwangelinta. Su’aasha taagan waxay tahay yaa Soomaali ah? Ma jiro sharci qeexaya arrintaas. Soomalinnimadu waxay hambaarsansan tahay fikrado wadannimo,dhalasho, gobannimo, luqad, lahjad, diin, dhaqan, deganaasho iyo lahaansho dhul, abtirsi, siyasad, nabadgelyo, difaac, iyo dhaqaale.Xarafka C wuxuu dhigaya in diiwangelinta codbixinta ka reeban yihiin dadka ajaanibta ah ee dalka ku sugan, taaso u baahan hab lagu xaqiijin karo. Sidaas oo kale Xarafka Dwuxuu dhigaya in diiwan gelinta ka reeban tahay qofka da’diisu ka hooseyso 18 sano, taaso u baahan in si rasmi ah loogu sugo da’da muwadinka oo ah inuu jiro diiwanka dadweynaha (population registry) oo bixinaya aqoonsiga qofka.

Qodobka 16 lambarka 4 wuxuu dhigaya in qof kasta oo isku diiwan geliya cod-bixiye wuxuu maraya habka gaarka ee lagu aqoonsado qofka (Unique Biometric Identification (UBI)), hawshaaso u baahan sarreynta sharciga, maamul iyo shaqaale tayo sare leh, daacad ah, ka baqaya xukun adag iyo ciqaab dowladeed.

Qodobka 17 lambarka 1 wuxuu dhigaya in GMDQ ku wargelinayo Madaxda Qaranka waqtiga la bilaabayo diiwangelinta inta aan la shaacin ka hor. Qodobkaan wuxuu qasaya qodobka 13 (1, 2, 3, 4). Shardiga wargelinta wuxuu abuuraya awood in Madaxda Qaranka ay hakin karto bilowga waqtiga diiwan gelinta sababo kala duwan, mana jiro qodob ku khasbaya Madaxda Sare in la bilaabo diiwan gelinta haddii aysan jirin sababo sharcigu horey u tilmaamay. Lambarka 6 wuxuu dhigaya in Xisbiyada u soo dirsan karaan wakiillo goobaha diiwangelinta codbixiyayaashasi ay ula socdaan. Haseyeeshe sharciga ma siinayo fursad iyo xuquuq ay ku joojin karaan takoor ama gaboodfal muwaadiniinta qaar looga reebayo diiwangelinta haddii ay la kulmaan.  Ka qaygalka wakiillada xisbiyada waa ikhtiyaari.

Qodobka 21 lambarka 1 wuxuu dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisinta oo mas’uul ka ah diiwanka dadweynaha ay ka caawineyso GMDQ sugitaanka muwaadinka soomaaliyeed ee xaqa u leh in la diiwangeliyo marka GMDQ u baahdo. Sidoo kale, Wasaaradda Amniga waxay ka qayb qaadaneysa sugidda amniga iyo dejinta xasaradaha goobaha diiwangelinta codbixiyayaasha ka dhacda haddii GMDQ ka codsado.

Qodobka 22 lambarka 1 wuxuu siinaya GMDQ inuu soo saaro liiska kmg ah ee codbixiyayaasha muddo 2 bilood laga bilaabo marka ay dhammaato diiwangelinta oo ay tahay inaysan ka dambeyn 27 Maajo 2020. Liiska kmg waa in la soo saaro 27 Luulyo 2020. GMDQ wuxuu soo saaraya liista kama dambeysta ah oo saxan 2 bilood ka hor maalinta doorashada taaso ku aadan 27 Setember 2020.

Qodobka 23 lambarka 1 wuxuu dhigaya in xisbiyada sida rasmiga ah loogu diiwan geliyay ay ka qayb qaataan doorashooyinka. Sida ku cad qodobka 4 (d) ee sharciga Axsaabta siyaasadda, xisbiga kumeel gaar loo diiwan geliyay wuxuu shan (5) bilood gudahooda ka hor intaan doorashada bilaaban soo codsan karaa in si rasmi ah loo diiwan geliyo.

Shuruudaha diiwan gelinta rasmiga ah ee Xisbiyada waxaa ugu muhiimsan in Xisbiyada siyaasaddayihiin dimoqradi, leh muqaal qaran, matala ugu yaraan 2/3 (12) ee 18 gobol ee dastuurka federaalka aqoonsan yahay, golayaasha fulinta Xisbiyada lagu doortay hab dimoqradi ah, ilaalinayaan, dhiirrigelinayaan midnimada qaranka, u hoggaansan yihiin mabaadi’ida dimoqradiyada ee maamul wanaaggsa, ilaalinaya xuquuqda bani’aadamka, dhowraya habdhaqanka siyaasadda ku tiirsan Xisbiyada badan. Xisbiyada siyaasadda waxaa ka reeban xagjirnimo, qabiil, lahjad, hayb, sinji, goboleysi iyo isneceybsiin bulshada, ciidammo hubeysan, ku lug-yeelasho qaadashada iyo bixinta laalush iyo musuqmaasuq, u isticmaalka hantida qaranka dano gaar ah ee la xiriira doorashooyinka. Xisbi kasta waxaa laga rabaa in ugu yaraan 10,000 codbixiyayaal ah ka diiwan gashadaan ugu yaraan sagaal (9) ka mid ah 18 gobol ee ku xusan qodobka 49aad, faqrada (1) ee dastuurka kmg. Waxaa jira farqi u dhexeya 9 iyo 12 gobol.

Lambarka 3 ee isla qodobkaas wuxuu dhigaya in marka Xisbiyada soo xulayaan musharrixiinta uga qaybgalaysa  doorashooyinka ay dhowraan  isu dhellitirnaanta bulshada  soomaaliyeed si waafaqsan  qodobka  12 faqradda 3aad ee sharciga, taaso loola jeedo in la hubiyo qabiilka musharraxa sida ku xusan qodobka 6 (d) ee Sharciga Xisbiyada siyaasadda. Ma cadda ilaa heerkee ayaa faraca iyo awood qaybsiga qabiilka la tixgelinaya. Sidaas oo kale Xisbiyada Siyaasadda waa inay tixgeliyaan qoondada haweenka oo ah ugu yaraan 30% (boqolkiisa soddon) xubnaha musharrixiinta xisbi kasta.BFS ayaa xeer ka soo saaraya hannaanka ugu habboon ee lagu xaqiijinayo qoondada haweenka. Dhinaca kale, Sharciga Xisbiyada wuxuu faraya in Xisbiyada dhexdooda ka jiro nidaam dimoqradi ah oo ku dhisan tartan xalaal ah. Qodobka 28 (1) ee Sharciga Xisbiyada wuxuu faraya in Xisbi walba u gudbiyo diiwaangeliyaha Xisbiyada ee GMDQ 30 (soddon) maalmood ka hor liista guud ee Xubnihiisa inta uusan magacaabin xubnaha uga qaybgalaya doorashada. Liiska waa in lagu caddeeya hantida iyo deymaha xubnaha Xisbiga.

Qodobka 24 lambarka 1 wuxuu dhigaya in qof kasta oo Soomali oo buuxiyay shuruudaha sharciga tilmaamay inuu xaq u leeyahay in la doorto waxna doorto sida ku cad qodobka 22 (2) ee dastuurka kmg. Lambarka 2 ee isla qodobka wuxuu leeyahay in musharrax doorasho u taagan noqon karo qof kasta oo shuruudaha musharraxnimada buuxiyay isla markaana uu xisbi soo sharraxay. Lambarka 3 Xisbiyada ayaa magacaabaya musharrixiinta doorashada uga qaybgaleysa si waafaqsan dastuurkooda xisbi.

Qodobka 25 lambarka 1 wuxuu dhigaya in musharraxa u tartamaya xubnaha barlamaanka federaalka laga rabo inuu buuxiyo shuruudaha ku xusan qodobka 58aad ee dastuurka kmg sidaahaanshaha muwaadin JFS, maskax fiyow, ugu yaraan jira 25 sano, shahaado dugsiga sare ama waayo aragnimo u dhiganta, yahay codbixiye diiwan gashan, ku dhicin xukun 5 sano ee la soo dhaafay, qoraal shakhsi ah uu ku aqbalayo musharraxnimada Xisbiga iyo ballanqaad inuu dhowrayo xeerarka iyo anshaxa doorashada iyo inuu bixiyo lacag u dhiganta US$ 2,000.00 (labo kun doolar) oo lagu shubayo khasnaddad dowladda dhexe oo aan la soo celineyn.

Qodobka 26 lambarka 1 wuxuu dhigaya in Xisbiyada soo gudbiyaan magacyada musharrixinta uga qayb galeysa doorashada 120 (boqol iyo labaatan) maalmood oo shaqo ah ka hor maalinta doorashada, taaso u dhiganta 4 bilood, kuna aadan 27 Luulyo 2020. Lambarka 2 ee isla qodobka wuxuu faraya Xisbiyada inay soo gudbiyaan magaca musharraxa oo afaran, magaca hooyada, da’da iyo deegaanka. Sharciga ma dalbanayo in Xisbiyada soo gudbiyaan beelaha musharraxiinta sida uu dhigayo sharciga Xisbiyada siyaasadda. Sidaa darted, ma cadda sida GMDQ ku hubin karo isu dheellitirka bulshada Soomaaliyeed sida ku qoran qodobka 64 (3) iyo 72 (C) ee dastuurka iyo qodobka 12 (5) ee sharciga doorashada.

Qodobka 27 lambarrada 1 iyo 2 waxay farayaan Xisbiyada inay si caddaalad ah u kala saaran musharrixiinta marka ay soo xulayaan, isla markaana hubiyaan in musharraxiinta buuxiyeen shuruudaha sharciga tilmaamay iyo in kale iyo inay xilka iyo mas’uuliyadda loo idmanayo u gudan karaan si hufan oo habboon. Fulinta mas’uuliyadda ku qoran faqradahaan waxay u baahan tahay cabbir iyo tusaalayaal. GMDQ wuxuu baaraya musharrax kasta, wuxuuma 6 maalmo shaqo gudahood ku ansixinaya ama ku diidaya liiska musharraxiinta loo soo gudbiyay. Xisbiyada waxay haystaaan 14 maalmood inay ku soo dhammeystiraan musharrixiinta GMDQ soo diiday.

Qodobka 28 lambarka 1 wuxuu dhigaya in musharrixiinta xisbiyada summad u noqoneyso astaanta Xisbiga soo sharraxay. Madaama nidaamka doorasho ee la qaatay yahay Horreeya Guuleystaha (FPTP) waa lagama maarmaan in magacyada iyo sawirrada musharrixinta lagu hoos dhigo Astaanta Xisbiga soo sharraxay si cod bixiyayaasha u kala doortaan musharrixiinta.

Qodobka 29 lambarka 29 wuxuu dhigaya in olalaha doorashada soconeyso 45 maalmood, ayna dhammaaneyso 48 ka hor maalinta codbixinta. Sidaa awgeed, ololaha doorashada wuxuu bilaabmayaa 11 Oktoobar 2020, wuxuuna dhammaanaya 24 Nofember 2020.

Qodobka 30 lambarka 1 wuxuu mamnuucay in ololaha doorashada lagu qabto agagaarka iyo gudaha masaajidyada, goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, iyo meelaha aan ku habbooneyn ololaha doorashada. Xisbiyada waxaa laga reebay inay ku ololeeyaan arrimo keeni kara kicin qabyaaladeed iyo kooxaysi diimeed oo abuuri kara fitno iyo khilaaf. Lambarka 5 ee isla qodobka wuxuu Xisbiyada ka mamnuucay in Xisbi si gaar ah u isticmaalo u adeegsado hantida ummadda ololaha doorashada kuna takrifalo dhaqaalaha dalka. Si loo xaqiijiyo qodobkaan, waxaa muhiim ah in hay’adaha Maamulka hantida Ummadda u xilsaaran lagu khasbo daahfurnaan iyo la xisaabtan dhab ah, joogto ah. Lambarka 6 wuxuu dhigaya in xisbiyada si siman u isticmaalaan warbaahinta dowladda iyo fagaarayaasha laysugu soo baxo muddada ololaha doorashada socdo. Lambarka 7 ee isla qodobkaas wuxuu Xisbiyada ku tartamaya doorashooyinka ka reebay in dhaqaale shisheeye u isticmaalaan ololaha doorashada sida uu qabo qodobka26 (1) ee sharciga xisbiyadalambar 19 ee 27 Juun 2016.

Qodobka 42 muddada codbixinta waa hal maalin oo ka bilaabmeysa 6:00 am to 6:00 pm maqrinimo, laguna dooranayo 275 xubin ee Golaha Shacbiga iyo 54 xubin ee Aqalka Sare.

Qodobka 43 ee ku saabsan cabashooyinka wuxuu dhigaya in wixii cabasho ah ee laga qabo maamulka goobta codbixinta loo gudbinayo xarunta ka sarreysa goobta si qoraal ah. Qodobka 48 (8) ee Sharciga doorashada wuxuu dhigaya in GMDQ go’aan ka gaarayo cabashooyinka la xiriira natiijada doorashada toddaba (7) maalmood shaqo gudahooda oo ka bilaabata maalinta xigta marka ay dhammaato codbixinta.

Qodobka 48 lambarka 3 wuxuu dhigaya in Maamulaha Xarunta ku dhawaaqayo natiijada doorashada musharraxa ku guuleystay kursiga xildhibannanada marka uu isu geeyo tirada codbixinta rasmiga ah ee dhammaan goobaha hoos yimaada Xarunta deegan doorasho.  Lambarka 5 ee isla qodobkaas, Maamulaha Xarunta wuxuu ku wareejinaya GMDQ heer Dowlad Goboleed natiijada codadka goobaha Xarunta hoos yimaada ee ay kala heleen tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare. Natiijada doorashada kuraasta Aqalka Sare ee dowlad goboleedka waxaa ku dhawaaqaya Madaxa Xafiiska GMDQ ee Dowlad Goboleedka ka howlgala. Lambarka 7 wuxuu caddeynaya in doorashada kursiga musharrixiinta hela codad isla eg lagu celinayo muddo 30 maalmood gudahooda ah.

Qodobka 49 lambarka 1 wuxuu dhigaya in Xisbiyada ku kala guuleysanayaan tirada musharrixiinta xildhibannada ku guuleysta doorashada. Xisbiga ka gudba xaddi hoosaadka (threshold) oo hela ka badan 13 xildhibaan wuxuu ahaanaya xisbi qaran. Lambarka 4 ee isla qodobka wuxuu dhigaya xubinta lumisa xubinnimada BFSwaxaa beddelaya qofka doorashada hore ku xigay sida ku qoran qodobka 59(2) ee dastuurka kmg.

Qodobka 50 wuxuu ku saabsan yahay dacwadaha doorashada. Khilaafka la xiriira doorashada waxaa ka garnaqaya GMDQ sida uu dhigayo qodobka 111G (2(G)) ee dastuurka kmg iyo qodobka 14(8) ee sharciga GMDQ.  Cabashooyinka go’aannada maamul ee ka soo baxa GMDQ waxaa racfaan looga qaadan karaa Maxkamadda Sare ee dalka. Dacwadaha Maxkamadaha u gudbi kara waa kuwa la xiriira xaqa codbixinta, xaqa ka qaybgalka doorashada, iyo go’aanka kama dambeysta ah ee ee natiijada doorashada. Dacwdaha la xiriira xaqa codbixinta iyo xaqa ka qaybgalka doorashada waxaa loo gudbinaya Maxkamadda Gobolka. Dacwadaha la xiriira go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada doorashada waxaa loo gudbinaya Maxkamadda Sare ee dalka.Qodobkaan wuxuu carqaladeynayaa awoodda garsoorka ee JFS oo u kala qaybsan Maxkamadda Sare ee heer Federal iyo mid Heer Dowlad Goboleed.

Qodobka 51 wuxuu ku saabsan dambiyada iyo ciqaabaha ka dhalanaya jabinta sharciga doorashada. Lambarka 2 ee qodobka wuxuu dhigaya in qofka aan u dhalan JFS oo isku diiwan geliya codbixiye ama ay caddaatay inuu sifo qaldan isku diiwangeliyay wuxuu muteysanaya ciqaab aan ka yareyn 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo qaddarkiisa maxkamadda awoodda u leh go’aamin doonto. Ma cadda Maxkamadda ama Maxkamadaha qaadaya dacwooyinka la xiriira jabinta sharciga doorashada.

Qodobkaan dambiyada iyo ciqaabaha lama waafajin qodobbada 108 ee dastuurka kmg ee ku saabsan qaabka Maxkamadaha dalka. Weli BFS ma hirgelin qodobka 109 (3) ee ku saabsan soo saaridda sharci qeexaya wada shaqeynta Maxkamdaha heerka federaalka iyo Maxkamadaha dowlad goboleedyada.

Qodobka 53 wuxuu ku saabsan yahay “Dib u Dhaca Doorashooyinka.” Lambarka 2 ee qodobka wuxuu amraya GMDQ inuu labada gole ee BFS hor keeno jadwalka, xogta iyo waxyaabaha lagama maarmaarnka u ah qabsoomida doorashada 2020 sida ku xusan qodobka 13 faqradda 3aad ee sharciga doorashada kaddib marka Aqalka Sare ansixiyo, saxiixo Madaxweynaha JFS, laguna faafiyo buugga sharicyada. Lambarka 3 ee isla qodobkaan wuxuu GMDQ u oggolanaaya inuu soo codsado 60 maalin(2 bilood) kaddib marka sharcigu dhaqangal noqdo, taaso macnaheedu yahay in GMDQ dib uga dhaco ku dhawaaqidda maalinta codbixinta doorashada 27 Maajo 2020.

Lambarka 4 ee qodobka 53, BFS wuxuu isa siiyay awoodda ah inuu go’aan ka gaarayo qabasho la’aanta doorashada, taaso macnaheedu yahay waqti kororsi, taaso ay dhalaneyso khilaaf siyasadeed ama doorasho musuqmaasuqa ah oo bohol ku ridda dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud M. Culusow

Afeef: Qoraallka waa iska leh qoraaga ku saxiixan