U bood dhigaalka

Barnaamijka “Gurmad iyo Gargaar” oo Maalintii Labaad Lacago Badan u Uruuriyay Qaxootiga Yemen

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii labaad guul ku dhamaaday Barnaamijka “Gurmad iyo Gargaar” ee Goobjoog News, in ka badan 39,130.5 ayey dhageystayaasha Goobjoog News u uruuriyeen Gudiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga oo marti ku ahaa Barnaamijka.

Barnaamijkan oo bilowday 10:00 subaxnimo ayey dadweynaha usoo waceen si aan kala go’laheyn, iyagoo lacago, duco iyo hadalo qiiro leh uga qeyb galay barnaamijka.

Waxaa Idaacadda soo wacay Caruur aad u da’a yar, qaa Iskuuley ah, Dhalinyarada Jaamacadaha dhigta, Baarlamaanka Dhalinyarada, waxaa laga soo wacay inta badan gobolada dalka.

Hooyooyinya Soomaaliyeed ayaa lacago badan ugu deeqay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, waxaa sidoo kale Istuudiyaha Idaacadda soo booqday gabdho iyo wiilal dhar ugu deeqay gudiga si loo gaarsiiyo Soomaaliya kasoo carareysa Yemen.

“Gurmad iyo gargaar” oo socday ilaa 4:00 galabnimo,  waxaa lasoo xiriiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo Ganacsato Soomaaliyeed iyagoo ku yaboohay lacago aad u tiro badan.

Halkas hoose ka akhriso Lacagihii la yaboohay iyo mas’uuliyiintii yaboohay:

  1. Xildhibaan: Maxamed Xasan Ibrahim(Qooni): $2000.
  2. Xildhibaan: Xasan Macalin Maxamud:$2000.
  3. Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon: $2000.
  4. Xildhibaan Yusuf Geelle Ogaas: $2000.
  5. Xildhibaan Qaali Axmed Diriye: $500
  6. Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow:  $2000
  • Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda: Cabdullahi Maxamed Nur: $5000
  • Wasiirkii hore ee warfaafinta: Mustaf Dhuxulow: $2000
  • Taliyaha Nabad sugidda Qaranka Cabdiraxman Tuuryare: $7000
  • Murashax G.dhexe Cabdikarim Xuseen Guuleed:$5000
  • Murashac: G.dhexe Axmed Macalin Fiqi, Murashax $2000
  • Ganacsade diiday in uu sheego Magaciisa oo $2000 yaboohay.
  • Ganacsade Cabdiqani: $1000
  • Jaamacadda City: Cabdikarim Xasan Jamac: $3000

Xildhibaanada, Siyaasiyiinta  iyo Ganacsatada lacagta Total:       37,500

Dadweynaha Maanta:                                                                             1,630.5

                                                                                                     Total: 39,130.5

May 18, 2015, Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ayaa Gudiga u uruuriyay in kadan 40,000 oo Dollar.