U bood dhigaalka

Barnaamijka Ogaal Oo Ka Hadlay Xiriirka Ka Dhaxeeya Garsoorka, Shareecada iyo Dhaqanka

Sheeko:Dalka, War

Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV,  uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac, ayaa todobaadkaan looga hadlay dhaqanka, shareecad iyo Garsoorka guud ee dalka.

Waxaana marti ku ah Suldaan Cabdi Salaan oo khabiir ku ah howlaha dhaqanka iyo nabadeynta, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo bare sare ka ah Jaamacadda Muqdisho, aqoonna u leh shareecada.

Suldaan Cabdi salaam oo ka jawaabayey su’aal aheyd kaalin intee la’eg bey odayaashu ku leeyihiin garsoorka Soomaalida ee hadda jira ayaa yiri” Arrinka ah kaalinka odayaashu ay ku leeyihiin Garsoorka waa arrin mug leh weeye, waxa ayna hoos dhaceysaa dhaqanka Soomaalida iyo xeerarkeeda, sababuhu waa waslad oo ka mid ah dhowrka wasladood oo isi suran oo garsoorka Soomaalida ah, marka Garsoorka ugu horeyso waxa uu ka soo bilawdaa xeer, markii xeer jiro,  xeerkaas gudihiisa ay odayaashu ka duulayaan ayaga oo isticmaalaya ayey garsoorayaan oo dadka ay kala saarayaan, arrintaasna arrin dhaw ma ahan, waa arrin soo jireen ah, intii dadka caddaanka aysan  noo iman ka hor wixii lagu dhaqmayay Soomaalidu ama xeeb ha joogto ama xoolaley ha ahaato ama xabaalato qote ha ahaatoo, beeraha ha falato ama farsamo yaqaan,  dhamaantood xeerarkaas ayey lahaayeen oo waa ay kala duwanaayeen, laakiin xeer guud oo Soomaalibaa jiray kaalin mug leh ayey ku lahaayeen”.

Suldaan oo sii hadlaya “Makhriizi ninka la yiraahdo dhowr boqol oo sano ka hor,  waxaa uu soo maray Seylac, Seylac markuu soo marayna waxaa uu ka sheegay waxaa uu yir “ 12 oday iyo odey ka sareeyo ayaa dadka xukumayey, sidoo kale Bortaqiiskii Baraawre ku dagaalamay  Muqdisho xeebaheeda burburiyay,  waxaa uu sheegay in Muqdisho nidaam ay laheyd oo labo qeyb u kala qeybsan, ilaa 5,000 oo qof ay ku noolaayeen, sidoo kale Baraawe waxa uu ku sheegay in iyadana 5,000 oo qof ay joogeen, oo waliba ay lahaayeen nidaam ay isku soo doortaan,  odayaashu ay u yimaadaan ninka Suldaanka u ahaa, oo dhaqankooda iyo diintooda ay isku xukumayeen dhowr boqol oo sano ayaa laga hadlayaa, Soomaalidu marka, Garsoorka Soomaalidu wuu qodan yahay, wuuna gun fog yahay waana muhiin”

Dhankiisa  Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayey su’ aal aheyd Shareecada Islaamka kaalinta Garsoorka ay ku leedahay iyo sida looga qeyb qaato ayaa yiri “ Noloshu waxa ay ka sameysan tahay maslaxad , Makhluuquna marwaliba maslaxad ayuu raadinayaa , mid waliba siduu maslaxada u raaniyo, maslaxaddii ayaa isi soo galeysa,  isqabsi ayaa imaanaya,  isqabsigaas imaanaya duruq lagu kala saaro ayuu u baahan yahay, midka lagu kala saarayo waa duruqa shareecadu dajisay, oo laga dajiyay qadaaga ama garsoorka  waxa la yiraahdo, Allah waxa uu ku leeyahay saruulkiisa ku kala xukun wixii allah uu soo dajiyay”

Sheekh Cabdullahi ayaa intaas ku daray “Marka shareecada Islaamka waxa ay ku dadaalaysaa inuusan isqabsi dhicin oo maxaa yeelay iimaanka ruuxa, taqwadiida iyo caqiidadiisa waasica diiniga ah ayaa wax badan daaweeya, laakiin waaqiyada shareecada waxaa ka mid ah ayadoo taas ay jirto ayaan haddana dabeecadda insaanka aan la hilmaami karin oo ah in ay ka suurto gasho inuu yimaado inay ka suurto gasho inuu yimaado isqabsi, marka inuu ruuxa wax yeesho,  oo uu wax ku abuuro , waana mid ay wax ku socoto, marka sedex qodob ayeey ku dhici kartaa:

(1).  inuu qasdaan  ama si kas ah sad bursi wax ku raadiyo

(2). in ay jahli ka tahay, oo is moodayo waxaan inuu asagu ku haboon yahay aqoon la’aan ay u geynayso

(3).  ama inuu nisyaan  ama halmaan uu jiro, marka intaasba qaladku waa uu ka omaan karaa, oo shareecada islaamku waxa ay dajisay nidaamka qalaha  ah, oo Rasuulka SCW waxaa uu sheegay fadliga qadaha  ama garsoorka uu leeyahay islamarkana waxaa waxa uu  ka digay qatarta uu leeyahay waxaa uuna yiri “Dadka wax xukuma waa sedex labo ka mid ah waa Ahlu-naar,   midka Janada ku jira waa mid xaqii gartay,  kuna xukumay, labada Naarta ku jira mid xaqii uu gartay wuuna ka leexday, midna Jahlibuu ku xukumay, shareecada islaamku aad ayeey u boorisay in qadaga xooga la saaro”.

Amaa Culimada iyo doorka ay ku leeyihiin bey’adeena Soomaaliyeed sida asalka, in Soomaalida la xasuusan yahay Soomaalidu Muslimiin bey ahaayee, dhaqankana waxaa u soo hayay sida uu suldaanku sheegay labo jiho ayaa jirtay, waxaan dhihi karnaa qadaga  ama garsoorka rasmiga ah waa xadiis taariikh ahaan,  midna xeerka ayaa la oran jiray midna midka culima ay xanbaarsan yihiinbuu ahaa.

Sida rasmiga ah qadaaga  ama garsoorka ay soo saaraan culimada ama loo yimaado dadku waa muslimiin caqiidadoodu waxbey amreysaa, diinta islaamkana kuligeed  caqiidatan,  wa aqlaaqan wa axkaamanna hal jiho  ayeey u wada socotaa, sida saxda ah ruuxa muslimka ah waa inuusan qeybsamin waaye, oo dowladdiisa qaanuunkiisa iyo caqiidadiisa in ay isku meel u wada jeedaan, marka dadkeena Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah marka culimada ayaa loo xukun tagi jiray, aad baa loogu kalsoonaa waxyaabaha ay caanka ku ahaayeen waxaa ka mid ahaa sheekhu qabiil ma laheyn, sidaas darteed waxa uu ahaa darbiyo badan oo dadka ka haqab tiro oo si fiican looga cabo, xukunka uu soo saarana aadbaa loogu aamin qabay, door weyn ayeey taariikh ahaan ku lahaayeen culimadu Garsoorka”

Dhankale Suldaan Cabdisalaan ayaa la weydiiyay sida qofka qaaliga ama xaakimka ah uu ku noqon karo mid madax banaan ayaa yiri” Haddii aan ka soo galo dhanka dhaqanka dabeecadda garta Soomaalida ay laheyd waxa ay aheyd in loo siman yahay, geedi iyo waa meesha loo siman yahay, waana meesha Soomaalidu ay ka tiraahdo gar waa loo islaam, waa ayagii oran jiray wiilkaga ku marqaati fur magtana ka bixi, ciisuhuna waxa ay yiraahdaan ciise waa wada ciisoo cidina cid caarad ma dheera, arrinka meesha ku jiraa waa ka fakashada qaanuunka iyo garsoorka, waxaana looga fakanayaa aaliyaadkii qafka ka fanaya qaban lahaa oo aan dhameys tirneen. “Midda kale waxaa weeyaan markii la burburay sidii la rabay in loo soo kabto looma soo kaban odayaasha dhaqanka waxaa fuulay wixii dowladdu ay qaadi jirtay, ilaa qofka wax dila ama jamaacaadka wax laaya qabiil ayaa ku duulaya qabiil kale 50 qof haddii meeshaas ay ku dhimato oday ayaa la arabaa inuu go’aan uu ka gaaro ama sheikh”.

Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay fulinta “Waxa  ay  u baahan tahay wax fuliya, fulintii aya meesha ka maqan fulintana waxa ay ku xiran tahay in la helo garsoor marka hore si shafaafiyaa oo cad oo muuqato ku yimid oo nidaam lagu heshiis yahay ku yimid,marka labaadna asagii xor ah,  oo aan ka baqeyn awoodda fulinta iyo sharci-dejinta ama bulshada oo aan ka baqeyn cid kale ama Mushaarkiisa ama aan u baqeynin amnigiisa, haddii uu wax xukumo haddii uu baqayo ninka reer hebel ayuu xukumay oo wax ayuu ku gaarsinaa ama Exsective ka uu ka baqaayo uu is leeyahay amaa xilka lagaa qaadaa baqdinta ayeey ka mid tahay waa inoo xornimo waxaas oo dhan uu ka helaa. Arrimaha  hadda soo kordhay Ififaalayaasha hadda cusub , waa arrimo u baahan in maxkamo gaar ah loo sameeyo, arrimaha dhulka waa khilaaf ada u fara badan, sidoo kale Kufsiga ayaa ka mid ah oo waliba ilmo yaryar la kufsanayo oo aan looga tagayne la dilayo”.

Dhankiisa  Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayay su’aal ayey culimada qudhooda madaxbaanida ay u leeyihiin in cadaaladdii ay sameeyaan islaamku uu farayay inta ay la egtahay  ayaa yiri”  Door Culimada waxaa weeye  qadaa nidaamiya waa loo baahan yahay, islamarkaasi waxaa loo baahan yahay sida suldaanku uu sheegay, qanuunka in la haadiyo oo shareecada islaamka lagu ariisiyo dadku waa muslimiin in shareecada islaamka lagu fariisiyo, wixii hore uu ku qornaana in lagu haadiyo sghareecada islaamka, si loo helo qabuul mushtamaca oo aaminsan yihiin oo ay u soo joogsanayaan qadaagan caadiga ah.

Waxaa la sheegaa markii uu soo baxay xeerka qoyska maxkamadihii iyo qanuunkii wax aaday majiro waayo laguma qanacsana oo dadkii rabitaankoodii kama imaanin diinkoodii ma waafaqsana, marka xalka koowaada waxa uu ka imaanaya islaaxan qawaaniin in la sameeyo oo la waafajyo qawaaniinteena  wixii marka jiro in lagu soo fariisiyo shareecada Islaamka, culimada doorka ay ka qaadanayaan waxaa waaye in ay noqdaan kuwa ku jeeg gareynaya shareecada islaamka iyo sida ay u waafaqayaan, fiqiga islaamka in la qaanuun gareeyo waa midka lagu soo dhaweyn karo”

Marka kale suldaan Bashiir ayaa la weydiiyay su’aal aheyd Culimadii qanuunlii dowliga ahaa inay dhaliilaan ayagiina aysan diyaar u aheyn qanuunka ay wax ka dajiyaan ayaa yir” waxa ay aheyd in waxa ay tabayaan ay u rogaan qoraal Matalan haddii dastuurka  ama qawaniinta ka hoseyso ay wax ka tabayaan, Culimadu intay fariistaan in ay majaal u saaranoo ay yiraahdaan  sheikh hebel iyo hebel ha soo arkaan  bal daldalooda ay waxaan  ay la’yihiin in ay soo  qodobeeyaan  sida fiqiga Shaafiga oo kale waliba qudriga oo deegaankeena oo kale waa faqsan la yiraahdo soo qodobeeya, odayaashana la yiraahdo soo cadeeya waxa uu xeerka.

  1. Wixii dhiig ah gooni u saara
  2. Wixii dhaqana gooni u saaraan
  3. Wixii reeraha iyo haweenka ku saabsan gooni u saaraan

Qodobo la tadbiiqin karo ay ka dhigaan, culimadana ayagoo duruufaha eegayo in ay soo u ruuriyaan, anigu ma ogi eedaas cid kale oo lasaarayo maahan waayihii la oran jiray culimadu banaanka ayeey ka joogaan dowladaha madaxdii dalka ayeey noqdeen oo wasiiro ayagoo ah ayeey joogaan”

Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayey su’ aal aheyd, sidee ayeey uwada shaqeyn karaan Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka  ayaa yir “ waxaan u maleynayaa wada shaqeyn  toos ah oo laysku ogyahay in aysan jirin ee ay tahay cid waliba qofkii u ymaada ay la meel martaa meeshii markaas ayagu ay u arkaan in ay dariiqo ku xali karaan, culimada caalama su’aal ayaba  ka saran banaanshada qadaha waxa lagu xukumayo, lakiin markii dadkii kuu yiraahdo ee yiraahda annagu shareecada islamka ayaan rabnaa inaad nagu kala xukuntaan alhan wasahlan weeye meel ay u celiyaan maleh”

Dhankiisa Suldaan Cabdisalaan oo ka jawaabay su’aashii hore ee la weydiiyay Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo aheyd  sidee ay u wada shaqeyn karaan Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka  ayaa yiri “ Wada shaqeynta sedexdan qodob ee ka ah Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka, wada shaqeyn waa ay ka dhaxeysaa,  mana ka dhaxeyso lamana rasmi gareeyn waana arrinta ugu muhiimsan oo  aheyd in la rasmi gareeyo, islaamku xitaa wuu qabaa qadaha markii la keeno dadka, haddii waliba dadkii ehelnimo ka dhaxeyso dib ayeey isugu celiyaan bal inay soo heshiiyaan oo kale, haddii ay heshiin waayaan markaas waa la kala xukumaa, Qanuunka laftiisu madaniga markii shirkado oo kale ay is dagaalaan qaadigu islamarkiiba kiiska ma file gareeyo waxa uu yiraahdaa bal adinku soo heshiiya…………”.

Haddaba, Barnaamijka oo dhameystiran halkan ka daawo: