U bood dhigaalka

Barre Hiiraale oo sheegay in dowladda looga baahanyahay xalka Jubbooyinka

Sheeko:Dalka

Hogaamiye kooxeed hore Kornel Barre Aadan Shire (Hiirale) ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in xal ay ka keento mad madow uu tilmaamay in uu ka jiro qabsoomida wajiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.

Barre oo dhawaan sheegay in uu qaatay nabad ka dhalata Jubbooyinka ayaa sheegay in hadii dowladda wax jawaab ah ka keenin muranka ay shirkaasi ka qayb galkiisa go’aan ay ka soo saari doonaan.

Waxa uu carabka ku dhuftay Barre in aan wax la aqbali karin ay tahay dib u dhac ku yimaada qodobadii lagu heshiiyay.

“Dowladda Soomaaliya waxaa masuuliyad ay ka saarantahay in ay hormuud ka noqoto dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka, mana muuqato dadaalkaas, sidaa darteed maaamulka KMG Jubba ayaa sabab u ah in uu dib u dhaco shirka.” Ayuu yiri Kornel Barre Aadan Shire (Hiirale).