U bood dhigaalka

Bartamaha Magaalada Brussels ee dalka Belgium Oo u Haawaneysa Cabsi Laga Qabo Daacish

Sheeko:Dalka

Bartamaha magaladda Brussels ee dalka Belgium ayaa haawaneysa kadib markii maqaayadaha waa weyn iyo Baararka ku yaalla magaladaa albaabada la isugu dhuftay, saacado kadib markii dowladda dalkaasi ay soo saartay Digniino xagga ammaanka ah.

Wadooyinka magaladaa ayaa lagu arkayaa ciidamo roondo sameynaya xili ciidamo si gaar ah u tababaran ay raadinayaan Salah Abdeslam oo la aaminsanyahay in uu ku dhuumaleysayo dalkaa isaga oo xiran Jaakadda la isku qarxiyo.

Warar la helay ayaa sheegaya in hadda Salah Abdeslam uu ku suganyahay Brussels isaga oo raadinaya farsamooyin uu dib ugu laabto dalka Siiriya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Belgium Charles Michel ayaa shacabkiisa u sheegay in ay suurta gal tahay in dhacdadii Paris oo kale ay magaladda Brussels marti geliso.

Rag ka tirsan dagaalyahanada ururka Daacish ayaa todobaad ka hor ku dilay magaladda Paris ee dalka Fransiiska 130 ruux , waxa ayna kooxdu sheegtay in ay diyaarineyso weeraro waa weyn oo ay ku qaado meelo dalka mareykanku uu ka mid yahay.

Waxaa is soo taraya cabsida ay qabaan dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan Yurub, kuwaas oo durba kala kulmay takoorid bulshooyinka aan muslimka ahayn.

Dalka Faransiiska ayaa markii ugu horeeysay diyaariyey ciidamo baaritaan ku sameeya dadka galaya maasaajidda waa weyn ee Paris ku yaala iyadoo jimcihii la arkay ciidamo baaraya jameecadda Masjidka weyn ee Paris.

Goobjoog News