U bood dhigaalka

Bashiir Goobe oo maanta ku biiray baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:War
Bashiir goobe
Bashiir goobeTaliyihii i hore ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka

Taliyihii  hore ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Genaraal Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa maanta ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,kadib markii maanta Baarlamaanka lagu Hor dhaariyey.

Xidhibaannada ayaa maanta ku shir sanna xarunta baarlamaanka dalka,waxaana Bashiir Goobe u dhaariyey xubinta xildhibaanimada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka,Mahad Cabdalla Cawad.

Kursiga hadda loo dhaariyey Bashiir Goobe waxaa horey ugu qornaa kana mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya nin wakaalkiis ah oo lagu magacaabo Qaasim Maxamed Jaamac oo hada iska casilay kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan in qorshaha uu Jen Bashiir Goobe uga mid noqonayo ay tahay mid uu ku doonayo in uu kusii dhax jiro Siyaasada Soomaaliya, waxaana horey Xildhibaanada Baarlamanaka ugu biiray xubno xilal ka hayay dowlada oo markii laga qaaday Baarlamaanka ku biiray.
Waxaahore baarlamaanka federaalka Soomaaliya ugu soo biiray wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji, kadib markii xilkaas loo magacaabay masuul kale