U bood dhigaalka

Bashiir Goobe Oo sarkaal Cusub Usoo Magacaabay Agaasimaha NISA Ee Caasimadda.

Sheeko:Amniga

Agaasimaha KMG ee Hayadda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac {Bashiir Goobe} ayaa umagacaabay Gashaanle Muxidiin Maxamed Jimcaale Agaasimaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Sida muuqata waxa xilkiisii halkaa kuwaayay agaasimahii hore ee NISA uqaabilsana Gobolka Banaadir, Gashaanle Yaasiin Fareey kaas oo Gal-dacwadeedkan ka dhan ah uu ka furanyahay Maxkamadda CQS kadib lagu eedeeyay inuu lug kulahaa Afduubka Sarkaalad Ikraan Tahliil.