Maamulka degaanka Baxdo ee Bariga gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubno la sheegay in Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay, saanad ciidan oo lagu furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.
Â
Saraakiishu waxay sheegeen in maydadka lasoo bandhigay ay gaarayaan 70 dagaalame waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha, iyaga oo intaas ku daray in dagaalkii shalay sidoo kale nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay nin waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.
Â
Magaalada Baxdo oo shalay dagaal ka dhacay ayaa Sidoo kale ugu yaraan 42 arday oo degaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta u fariisatay deegaankaas kimtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.




Goobjoog News