Baay: Nin Lagu Eedeeyay Inuu Sameeyay Gogol Dhaaf Oo Dhagax Lagu Dilay

Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa ay Axaddii dhagax ku dileen nin la sheegay uu gogol dhaaf sameeyay isaga oo labo xaas leh, iyaga oo dilka ka hor horgeeyay maxkamad Islaami ah.

Boqolaal dad ah ayaa daawanayey dilka Dhaayow Maxamed oo 44 jir ahaa, waxaa lagu dilay tuulo ka tirsan gobolka Bay oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, qof deegaanka ah ayaa u sheegay in ninka la dilay uu lahaa 2 xaas iyo caruur, sida ay shareecada qabtana dhagax ayaa lagu dilay.

Dhaayow waxaa la eedeeyay in haweeney uu xaaraan ku qabay isaga oo u sheegay in uu Sheekh u tagay oo mehersaday, laakin uurka kadib la ogaaday in aanu heysan wax caddeyn ah, sidaasina loogu fuliyay xukunka.

Xarakada Al-shabaab oo heysata magaaooyinka ka tirsan koonfurta Soomaaliya ayaa goobaha ay joogaan waxaa ay ka fuliyaan xukunno.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW