U bood dhigaalka

Bayaankii Shirkii xagjirnimada iyo Qabyaaladda ee Istanbul ,Turkiga

Sheeko:Dalka

Mudadii u dhaxeysay 10-12 November 2014 ayaa waxaa ka dhacay magaalada Istanbul shirka Codadka loo qaanteenka ay isugu yimaadeen, Soomaali dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isaga yimid oo ay ka mid ahaayeen Shiyuukh waaweyn oo Soomaaliyeed, xubno ka tirsan ururro haween iyo kuwo dhallinyaro, suxufiyiin iyo arday. Waxaa wehliyay aqoonyahano reer Al-Azhar ah iyo Ururka Muslimiinta Tanzania.

Si dhallinyarada Soomaaliyeed looga badbaadiyo fikradaha gurracan ee xagjirnimada ah ee ku saleysan faham darrada diinta Islaamka, isla markaasna khatarteeda looga nabadgeliyo Soomaalida iyo bulshada caalamkaba, Waxuu shirku soo saaray baaq ku saabsan nabadeyn, dib u heshiin iyo wacyi gelin.

  1. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo dhamaan colaadaha iyo dagaalladda jira lagana fogaado xasaasiyaadka qabyaaladda.
  1. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la sameeyo dib u heshiisiin guud oo dhab ah lana helo madal ay umadda Soomaaliyeed isku cafiyaan si ay u soo laabataan kalsoonida iyo walaaltinimadu.
  1. Shirku wuxuu caddaynayaa in fahamka gurracan ee Al-Shabaab, ISIS iyo kuwa la mid ka ah aanuu sal ku lahyan diinta islaamka.
  1. Wuxuu shirku ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida Waaliddiinta, Culimada, Hay’adaha waxbashada, warbaahinta, suugaanleyda, haweenka iyo ururrada bulshadu in ay si mideysan ay dhalinyarada uga digaan fikiradaha Xagjirka iyo qabyaaladda.
  1. Shirku wuxuu ugu baaqayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu khaldo fikirkaas in ay ka waantoobaan kana soo noqdaan.
  1. In xal loo helo dhammaan sababaha iyo duruufaha keeni kara in ay dhallinyaradu ku daqmaan fikradaha iyo dhaqdhaqaayada xagjirka ah.
  1. In wax laga qabto duruufaha nololeed ee ku xeeran dhalinyarada ka soo noqda fikirka xagjirnimada, bulshaduna ay dib u aqbasho loona abuuro fursado iyo rajo.
  1. Shirku wuxuu isla gartay in ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo ciidanka Soomaaliyeed si uu u hanto nabadgelya waddanka bad, berri iyo hawadaba loogana maarmo ciidammada shisheeye.
  1. Shirku wuxuu isla gartay in mar walba la helo nidaam ku dhisan dawlad-wanaag, hoggaan suubban iyo caddaalad in ay xal u tahay dhibaatooyinka murugsan ee ragaadiyey Soomaalida sida xagjirnimada iyo amni darradda.
  1. In laga digtoonaado bartilmaamedsiga dadka Soomaaliyeed gudaha dalka iyo dibadiisaba gaar ahaan xilliyada socdaalka.
  1. Shirku wuxuu isla gartay in Dulmiga iyo xadgudubka ku dhacaya dadka muslimiinta ah ka mid yahay sababaha huriya xagjirnimada, fahamka khaldan ee diintana xalkiisu aanuu ahayn diin ka-carar lagu beegsado dadka ay astaamaha diintu ka muuqdaan.
  1. Shirku wuxuu ku adkeynayaa umadda Soomaaliyeed in Qabyaaladdu ay tahay Xaaraan, loogana bixi karo Diinta Islaamka oo si dhab ah loogu dhaqmo looguna walaaloobo.
  1. In la taageero ololyaasha ka soo horjeeda qabyaaladda sida ururka ATM oo u taagan in laga gudbo qabyaaladda.