U bood dhigaalka

Baydhabo: Booliiska Oo Burburiyay Goobo Lagu Ganacsado

Sheeko:Dalka

Maamulka Baydhabo ee  Koofur Galbeed ayaa burburiyay goobo ay ku ganacsadaan ganacsatada yaryar ee magaalada Baydhabo, iyaggoo u sababeeyay iney ku ganacsadaan goobo aan sharci aheyn.

Booliiska oo fuliyay howsha burburinta waxaa ay sheegayaan in goobtan ay tahay suuq, isla markaana loo baahan yahay in la habeeyo, si dadka iyo gawaarida u maraan.

Ganacsatada laga burburiyay goobahooda ganacsi waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay deganaayeen 20 sano, isla markaana aaney aqoon meel kale oo ay ku ganacsadaan.

Suuqa la burburiyay waa goobta ay gawaarida ku kala wareegaan iyo meelaha ay ka jiraan ganacsiyada yaryar ee magaalada Baydhabo.

Goobjoog News