Baydhabo: Cabdiweli Muudeey Oo Noqday Xildhibaan

Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed maanta waxaa ka dhacday doorashada hal kursi ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Halkani kursi waxaa ku tartamay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda federaalka Cabdiweli Ibraahim Muudeey iyo musharrax Barre Cismaan Xasan.

Codeynta kadib ayaa guddiga doorashada dadban ee Koonfur Galbeed waxayna xarunta doorashada kaga dhawaaqeen in Cabdiweli Muudeey uu ku guuleystay tartankii xildhibaannimo.

Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa helay dhammaan codadka ergadii dooranaysay ee 51-ga cod ahaa halka musharrixii la tartamayay ee Barre Cismaan Xasan uusan wax cod ah helin.

Waxaa weli harsan kuraas kale oo loo tartami doono maalmaha soo socda kuraasta ugu horreysana waxaa loo tartami doonaa maalinta sabtida ah.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW