U bood dhigaalka

Baydhabo: Ciidamada Ammaanka Oo Raadinaya Rag Bam Ku Tuuray Hoyga Guddoomiyaha Haweenka Baay

Sheeko:Amniga

 

Ciidamada maamulka K/galbeed ayaa maanta waxa ay howlgallo ka wadaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalkan ayeey ciidanku ku raadinayaan rag la sheegay in ay xalay Bam ku weerareen hoyga ay magaaladaasi ka deggan tahay guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Baay, Muraayo Ibraahim Madeer.

Waxaa howlgalkan si gaar ah u wada ciidamada Booliiska Magaalada Baydhabo, welina lama sheegin cid lagu soo qabtay.

Baydhabo waxaa kusoo kordhay dilalka qorsheysan iyo sidoo kale Bambooyinka lagu tuuro guryaha ay deggan yihiin mas’uuliyiinta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News