U bood dhigaalka

Baydhabo: Ciidamada Itoobiya Oo Banaanka Usoo Saarey Taangiyadood Iyo Khasaare Ka Dhashay Dagaalkii Dhacay

Sheeko:Dalka

Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheenna ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa meel adag mareysa xaaladda guud ee magaaladaasi, iyadoo jawiga magaalada uu isku bedalay saacad gudaheen.

Markii ay ciidanka Itoobiya xireen Musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa durba magaalada ka bilowday dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhinte Afar qof oo Labo ka mid ah yihiin ciidamada Itoobiya, kadib markii ay isku dhaceen ciidankaasi oo garabsanaya kuwa Booliiska DFS dhowaan geysay Baydhabo iyo sidoo kale ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow.

Magaalada Baydhabo waxaa aad u buux dhaafiyey ciidamo la sheegay in Roobow ay taageersan yihiin, waxayna taasi keentay in ciidamada Itoobiya ay banaanka usoo saaraan Taangiyo, welibana bartamaha magaalada ay difaacyo ka xirtaan.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Baydhabo, waxaana xiran dhammaan goobaha ganacsiga ee magaaladaasi, iyadoo durba magaaladu isku bedashay goob colaadeed.

Shacabka ayaa bilaabay iney aadaan meel walbo oo ay kaga gamban karaan rasaasta, mana jirto waan waan socota.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya lama oga halka ay la aadeen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo markii la qabanayey ku sugnaa xarunta madaxtooyada Baydhabo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News