U bood dhigaalka

Baydhabo: Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Oo Kor Loo Qaadayo

Sheeko:Dalka

Munaasabad looga hadlayay arrimaha beni’aadanimada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Munaasabaddani waxaa ka qeyb galay wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, wakiilka UNSOM ee Soomaaliya iyo sidoo kale ururro ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Wasiir xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Koonfur Galbeed Binti Ibraahim Cali ayaa sheegtay in ay wax ka qabanayaan tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Koonfur Galbeed.

Wasiir xigeenka ayaa soo hadal qaaday arrimaha la xiriira kufsiga iyo askareynta carruurta oo ay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay xil iska saari doonaan.

Dhanka kale, Wakiilka Xafiiska UNSOM ee gobolka Baay MR. Bicram oo munaasabadda goobjoog ka ahaa ayaa ka hadlay qodobo ay kamid tahay cadaaladda iyo sida loo xallin karo cabashada ka imaanaysa dadka laga tirada badan yahay.

Wakiilka ayaa soo jeediyay in la xalliyo cabashada ka imaanaysa dadka wax tirsanaya oo la suurtagaliyaa dib u sixidda qaladaadyo ka dhacay dhinaca cadaaladda.

Maanta oo ah 10-ka December ayaa ku beegan maalinta xuquuqda aadanaha ay u asteysay Qaramada Madoobe.

Goobjoog News