U bood dhigaalka

Baydhabo: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Fulisay Afar Ruux

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Isniin ah waxay dil toogasho ah ku fulisay Afar qof oo ku eedeysnaa iney ka dambeeyeen qaraxyo galaaftay nolosha shacab badan oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Halka dilka lagu fulinayey waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow iyo guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad Gaashaanle sare Xasan Cali Shuute.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa wasiiro ka tirsan maamulka K/galbeed, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Ragga la toogtay ayaa lagu kala magacaabayey:-

Siyaad Xasan Faarax

Sharmad Aawow Maxamed

Xasan Aadan Mursal

C/ladhiif Macalin Aadan

Raggan ayeey maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah 12/03/2017, waxaana ay ku eedeysnaayeen iney ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo 28-kii Febraayo 2016, kuwaasi oo galaaftay nolosha dad gaaraya 80 qof.

Goobjoog News