U bood dhigaalka

Baydhabo oo bandaw habeenki ah lagu soo rogay

Sheeko:Dalka

Booliska soomaliya ayaa bandaw habeenki ah kusoo rogay magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha Booliska ee gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxman Adan oo goobjoog FM la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maqribkii ilaa waagu baryo aaney baar ka bixi Karin ama soo geli Karin magaalada, isagoo taasi ku micneeyey in lagu sugaayo ammaanka magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku amray gaadiidka xilliga habeenki ah dhex socdo magaalada ineey u hogaansamaan ammarada ciidanka iyo iney istaagan baraha kontroolada ee ciidamu ay ku sugan yihiin.

Baabuurta ka tagta magaalada muqdisho haddii ay ku aadaan xilli habeen ah lagu amray ineey seexdaan deegaanka deynuunay, halkaas oo ciidamada dowladdu ay ku sugan yihiiin.

 

Halkan ka dhageyso codka taliyaha booliska Baay

goob joog