U bood dhigaalka

Baydhabo Oo Malintii Afaraad Lagu Dooranayo Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu wadaa in saaka oo talaada ah ay ka qabsoonto doorashada hal kursi oo qeyb ka ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Kursiga doorashadiisa la qabanayo maanta ayaa ah kursiga tirsigiisu yahay HOP#193 kaas oo deegaan doorashadiisu ay tahay Baydhabo.

Kursigaan ayaa waxaa  baarlamaanki 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Bono oo ku matalayay dowlad gobaleedka koonfur galbeed.

Waxaa hadda la xareeyay ergada dooraneysa kursigaan waxaana u tartamaya musharixiinta kala ah:

1:Cabdulqaadir Maxamed Cilmi

2: Cabdullaahi Aadan Axmed

Shalay oo isniin ah ayaa lagu waday in kursigaan lagu doorto Baydhabo balse guddiga ayaa maanta dib ugu dhigay doorashada.

Baydhabo ayaa maalintii afaraad ay si toos ah uga soconeysa doorashada golaha shacabka illa iyo hadda waxaa koonfur galbeed lagu doortay 10 kursi oo ka tirsan kuraasta golaha shacabka.

Goobjoog News