U bood dhigaalka

Bedellada Caafimaad ee Ugu Habboon Ee Marka Ay Kugu Dhacdo Hurdo La’aan

Sheeko:Caafimaadka

Waxaa jira daraasado badan oo ku talinaya iney lagama maarmaan tahay in qofku uu helo 8-saacadood oo hurdo ah, haddii kalena ay ku dhacyaaan cudurrada nafta iyo kuwa jirka haleela.

Sidaas oo kale, caddeymaha la hayo waxey tilmaamayaan, dadka caadeystay iney 6-saacadood oo qura maalintii ka seexdaan waxey khatar ugu jiraan iney ku dhacaan cudurrada wadanaha, xidada dhiigga, buurnida iyo cudurka sonkorowga.

Laakiin, dadbadani waxaaney ogayn in baahiyaha hurdada ay dadku ku kala duwan yihiin dadku, waxaa dhici karta in la gaarsiiyo 12-saacadood marka aan eegno caruurta, waxeyna gaareysaa illaa 6-saacadood marka la eego dadka qaangaarka ah ee caafimaadka qaba, halka xilliga hurdada uu noqon karo waqtiyo kala duwan oo markiiba 90 daqiiqo laga seexanayo, xilliyada qaarna la soo kacayo, waa qeyb caadooyinka hurdada ka mid ah in la soo kaco, mar kasta oo da’du weynaato qeyb noloshaada ka mid ah ayay noqoneysaa in habeenkii aad marar badan soo kacdo.

Hadab, waxaa jira bedello badan oo hurdada habeenkii lagu kaabi karo una wanaagsan qofka waqtiga kooban habeenkii ka seeda, waa sida uu caddeynayo website-ka “Weforum.org“, waxaa ka mid ah:

Qayluulashada:

Waa xilli kooban oo hurdo ah oo saacad iyo labo noqon karta, duhurka kadib, aadanuhu waxey u janjeeraan iney wax qabad fiicaan sameeyaan waabariga, maalinta kala barkeeda awoodaasi hoos ayay usii dhacaysaa.

Qayluulashadu waxey ahayd caado ku faafsan adduunka oo dhan ka hor kacdoonka warshadaha, kacdoonka warshadaha ayaase markii dambe dadka ka dhigay kuwo xilli kasta soo jeeda si ay u shaqeeyaan.

Hurdo Waqtiyo kala googo’an:

In waqtiyo kala googo’an la seexdo nolol maalmeedka ayay ka mid ahay ka hor kacdoonkii warshadaha, waa sida ay taariikhdu sheegayso, qaabkan waa in qofku marka hore uu seexdo Afar saacadood iyo bar saddex waqti oo mid kastaa uu yahay 90 daqiiqo, waxa uu soo jeedaya saacad iyo labo, kadib qofku mar kale ayuu seexanayaa muddo 3 saacadood ah.

Bilaha xagaaga, Yurubta waqooyiga waxey hurdi jireen 9 ilaa 10 saacadood, iyagoo 3 saacood saqbarka habeenkii ka mid ah soo jeedaya, maadaama uu furaashku ahaa meesha ugu raqiisan ee qofku uu dugaal ka heli karo uu qabowga ka galo.

Haddii aaney kuu suurogalin inaad seexato 100%, wax welwel ah ha is gelin, waxaad ogaataa in qof walbaa uu seexdo kolba sida ay tamartiisu tahay, cilmi-baarayaashu daraaso ay sameeyeen waxey ka soo saareen jadwal, waxeyna hurdada u sameeyeen jadwal; waxaa ka mid ah in saacad kasata aad 20-daqiiqo ka seexato ama 3 saacadoodba aad saacad seexato ama aad 28 saacadoodba aad ka seexato 10-saacadood.

Sidaas oo kale, cilmi-baarayaashu waxey gaareen in waqtiga ugu fiican ee la seexan karaa uu yahay marka heerkulka jirkeennu uu marayo halka ugu hooseeya, qofkana ay habboon tahay inuu seexdo mar kasta oo ay fursaddu u saamaxdo inuu sariirta aado.

Goobjoog News