U bood dhigaalka

Beelaha Gobolka Awdal oo Sheegay Iney Difaacayaan Lixda Goobood ee Diiwaangelinta Lughaya

Sheeko:Dalka

Shirweyne loo bixiyay Towfiiq oo ay iskugu yimaadeen beelaha dega gobolka Awdal ayaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin difaacashada Lixda goobood ee deegaanka Lughaya ee lagu muran san yahay, iyagoo aaminsan in Lixdaa goobood ay raacsan yihiin gobolka Awdal.

Deegaanadan lagu muran san yahay  oo  ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo Boolis ah oo ay wasaaradda arrimaha guduhu gaysay,  ayaa waxaa murankoodu sii xoogeystay saddexdii todobaad ee ugu dambeeysay, kadib markii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku dhawaaqay in Lixdaa goobood ee Lughaya ay raaci doonaan Hargeysa.

Jimcahii shalay ayaa deegaanka Gargaara ee gobolka Awdal waxa uu shir ugu soo dhammaaday beelaha gobolka Awdal oo ka mid ah Labo dhinac ee isku haya cidda la raacinayo goobahaas. Shirkaan  oo lagu magacaabay Towfiiq  ayaa waxay  ka soo saareen qodobbo ay ka mid yihiin inay ka go’an tahay sidii ay u difaacan lahaayeen goobaha lagu muran san yahay, iyagoo sheegay iney dagaal ka xigaan in codbixinta Lixdan goobood la raaciyo Hargeysa.

Suldaanka Lughaya Suldan Abshir oo khudbad ka jeediyay shirkii beelaha Lughaya ee Towfiiq ayaa yiri; “Midnimadeenna dagaalbaa lagu soo qaadi doonaa midnimadeenna horta aan ilaashanno, tan u baryootami meyno waa inagaa u diyaar garownaye waxna inaga guri maayaan xukuumadda iyo qoladan yar ee la socotaaba”.

Dhanka kale; 100 qof oo  qaybaha kala duwan  bulshada Somaliland ka kala tirsan ayaa  maxakamada sare ee Somaliland u gudbiyey warqad ay ku saxiixeen dalab ah inaan diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada laga qabanin  Lix goobood oo lagu muransan yahay ee degmada ay hoostagaan Hargeysa iyo Awdal .

Dadkan oo warqadda codsiga ah ku sababeeyey in diiwaangelin laga qabto deegaanadaasi ay keeni karto isku dhac dhex mara beelaha kaas oo khasaare gaysan kara, waxayna ku caddeeyeen inay ka doorbidayaan iyada oo  la laalo shaqada diiwaangelineed oo laga qabto deegaandaasi ka tirsan Lughaya balse la isku hayo dhinaca uu codkiisu raacayo waqtiga doorashada Hargeysa iyo Awdal.

Guddoomiyaha maxakamada sare  ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed  ayaa  sheegay inuu qabtay warqadaasi codsiga ay dadweynuhu ku soo gudbiyeen isla markaana loo fiirin doono dastuurka Somaliland waxa uu ka qabto arrintan oo kale   waxaanu yiri “ boqol qof ayaa warqad noo keenay  runtii waxay leeyihiin waxaanu codsanaynaa in diiwaangelinta Lixda goobood la laalo waana arrin cusub runtii markaasi waa in la eego dastuurkeenu codsiga shacabka ee noocan oo kale ah waxa uu ka yiri “.

Lixdan goobood ee hadda lagu muran san yahay diiwaangelintooda ee Lughaya ayaa sanadkii 2003 waxaa la go’aamiyay iney noqdaan goobo madaxbanaan oo aan gobolna raacsaneyn iyadoo muranka goobahani uu soo bilowday bilowgii doorashooyinka Somaliland.

Goobjoog News