U bood dhigaalka

Baaq loo diray beelihii ku dagaalamay deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ururka la dagaalanka qabyaalada ayaa ku baaqay in la dhameeyo colaada iyo qilaafyada gacan kahadalka dhaliyay ee ka jira deegaanada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiya ururkaas Xildhaabanad hore Caasho Cabdullaahi Ciise oo horay uga mid ahayd baarlamaankii dowladihii KMG, ayaa baaqaas u jeedisay dhamaan waxgaradka ka soojeeda beelaha walaalaha ah ee halkaa ku dagaalamaya, waxaana dhanka ay sheegtay in wax garadka deegaanadaas looga baahan yahay inay u istaagaan dhameynta qilaafka iyo wixii marka hore sababay gacan ka hadalka.

Dowlada soomaaliya iyo maamulka gobolka hiiraan ayey si gaar ah ugu baaqday iney qaataan kaalintooda dowladnimo, ayna ku dadaalaan sidii ay ku joojin lahaayeen dirirta dadka badan ay ku dhinteen ee deegaanadaas ku soo noq noqotay.

Dhankooda waxay sheegtay in xafiiska ay ku leeyihiin magalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ay ka shaqayn doonaan kaalintooda kaga aadan hakinta colaada ka taagan deegaanada Deefow iyo Gabxanley.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi ay siisay Goobjoog Fm

Goobjoog News