U bood dhigaalka

Beelihii Dhawaan Lagu Heshiisiiyay B/weyne Oo Mar Kale Ku Dagaallamaya Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Bu’qowsaar ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya Beello dhawaan lagu heshiisiyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Dagaalkaan oo ka soconaya dhul baadiye ah ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Lama oga khasaaraha guud inta uu la egyahay, hase ahaatee dad ku sugan halka lagu dagaallamayo ayaa u sheegay Goobjoog News in rasaas culus la’isku adeegsaday.

Deegaankaan lagu dagaallamayo waxa uu qiyaastii 50 KM dhanka Galbeed kaga beegan yahay magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobalka Hiiraan.

Beelahani ayaa dhawaan waxaa lagu heshiisiiyay xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne ka dib markii dagaal dhiig badan ku daatay uu dhex maray.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in dagaalkaan uu dib u billawdo, xaaladana weli waa mid kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News